Wednesday, October 16, 2013

Madaxweyne Siilaanyo oo Shacbiga Somaliland iyo Mujtamaca Islaamka ugu Duceeyay Guul iyo Is-garabsi Waara


Hargeysa(GNA)-Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa Maanta boqolaal ka mida shacabka ku dhaqan Caasimada Somaliland  kula tukaday masjid jaamaca weyn ee magaaladda Hargaysa, halkaasoo uu khudbad duco iyo dar-daaran huwan uga jeediyay shacbiga iyo dadkii ka soo qayb-galay.
Xubno ka mid ah Golaha Wasiirrada ee xukuumadda iyo Masuuliyiin kale ayaa ku wehelinaysay salaada Madaxweynuhu shacbiga kula tukaday Masjid-jaamaca, waxaanu shacbiga somaliland ugu baaqay in ay ilaashadaan nabadgalayada iyo jiritaanka dalka islamarkaana ay xoojiyaan midnimada iyo iskuduubnida umaddeed.
“waxaan Illaahay ka baryayaa inuu sanadkan kiisa kale inagu gaadhsiiyo Bash-bash iyo Barwaaqo, inagoo midaysan, Caalamka Islaamka oo Midaysan iyo nabad-gelyo taam ah” ayuu yidhi Madaxweynuhu.
waxaanu intaasi ku daray isagoo tilmaamo ka bixinayaa muuqaalka Mujtamaca Somaliland iyo qastigooda waaqiciga ah “waxaynu nahay umad soo dedaashay, waxaynu nahay dad u taagan nabad-gelyadooda, inay dalkooda dhisaan, inay dawladnimadooda adkastaan iyo inay dadkooda mideeyaan, Illaahayna waxaan ka baryayaa inuu inoo aqbalo Himiladeena oo inagu guuleeyo inaynu noqono umad isku duuban oo ilaalisa wada-jirkeeda inaynu noqon”ayuu sii raaciyay hadalkiisa.
Axmed Maxamed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxa kale oo hadal soo dhaweyn ah ku qaabilay weftiga ka socda dawlada Ismaamulka Somalida Itoobiya ee Kilalka Shanaad oo maalmahanba ku sugnaa Somaliland.
waxaan doonayaa halkan inaan ku soo dhaweeyo Martida ka socota Gobolka Somalida ee Itoobiya, iyagana waxaan leeyahay soo dhawaada, waa dadkiinii waa dalkiinii halkan aad joogtaane ku soo dhawaada ayaan leeyahay”.
dhinaca kale, Madaxweynaha Somaliland, waxa uu qasriga Madaxtooyada ku qaabilay dadweyne tiro badan oo sanad kasta munaasibadaha Ciidaha halkaasi ku soo booqda, kuwaasoo madaxweynaha salaan iyo Hambalyo gaadhsiiyay.
xubno ka mid ah Madaxda Asxaabta Qaranka, Golleyaasha Baarlamanka, Masuuliyiinta Hay’adaha Xukuumiga ah, Shir-guddoonka labada Golle, saraakiisha Ciidanka iyo dadweyne kale oo shacab ah ayaa ka mid ahaa bulshada uu madaxweynuhu Qasriga ku qaabilay.
Gobanimonews
Hargeysa Office