Wednesday, October 16, 2013

Hargeysa:Wargeysyada Madaxbanaan ee ka soo baxa Somaliland oo Maanta Shaqo Joojin Dadban sameeyay iyo Sababta keentay


Hargeysa(GNA)-Wargeysyada ka soo baxa Caasimada Hargeysa, ayaan maanta badankoodu soo bixin, waxaana taasi loo aanaynayaa laba arimood oo ay ta koowaad tahay Fasax Maalmaha Ciida oo aanay inta badan helin suuq wanaagsan, dadka badankiisuna aanay xiiseynin wararka, isla markaana ku mashquulsanyihiin dabaal-degyada ciida.




arinta labaad ayaa iyaduna ah hoos u dhac ku yimi Akhristayaasha iyo Awoodda dhaqaale ee Wargeysyada oo marba marka ka dambeysa hoos u sii dhacaysa,maadaama oo aanay helin Kab ama Taakulo dhaqaale oo joogto ah,  sida ay sheegeen xubno ka mid ah Masuuliyiinta Wargeysyada oo Gobanimonews la hadlay.




Laakiinse arinta ugu muhiimsan ayaa sababtay inaanay maanta soo bixin Wargeysyadu ayaa ah Nasasho maalmaha ciidda ah “Maanta waxay u soo bixi waayeen Ciida ayay iska nasteen, waxaana soo baxay saddex Wargeys oo qudha, wixii kale oo dhami may soo bixin”sidaasi waxa yidhi mid ka mid ah Dhalinyarada iibisa Jaraa’idka oo Gobanimo la hadlay.




Wargeysyada Maanta soo baxay ayaa waxa ka mid ah, Wargeysyada Haatuf iyo Jamhuuriya oo ah laba wargeys oo ka mid ah kuwa Madaxabanaan iyo  Wargeyska Dawladda ee Dawan, kuwaasoo inta badan lagu tiriyo dhexdhexaadka ama dhinaca Dawladda u xagliya.




laakiinse waxa Maanta maqnaaa oo aan soo bixin dhamaan Wargeysyada dhinaca Mucaaridka u Jan-jeedha ama dadka arrimaha siyaasadda ku foogani ku tiriyaan Saxaafadda Mucaaridka la shaqaysa, waxaana ka mid ah Waaheen, Geeska Afrika, Hubaal, Saxan-saxo, Ogaal iyo kuwo kale oo aan Maaline u soo bixin.




arintan ayaa saameyn ku yeelatay dadka la socda ama Balwadda ka dhigtay Akhrista Wararka siyaasadda ee ay baahiyaan, khaasatan wararka inta badan xukuumadda lagu durayo oo aanay saddexda Wargeys ee Maanta soo baxay inta badan ku deg-degin.




Baahida loo qabo Wargeysyada madaxbanaan ee aan dawlada ku xidhnayn,waxa khasbay ma jiraan Ideecaddo iyo Telefishano madaxbanaan oo ay dadku Maalintii Wararka Gudaha kala socon karaan, iyadoo xataa Tv-yada Maxaliga ahi awood aanay u lahayn inay wararka ka soo tebiyaan meelaha wargeysyadu wax ka qoraan.




si kastaba ha ahaatee talaabadan Maanta Wargeysyadu qaadeen ayaad muudaa inay dibada u soo saartay  Baahida loo qabo Warbaahinta Maxaliga ah oo kala duwan, sida Ideecado dadku dhegeystaan iyo Telefishano la daawaddo, si markaasi loo hello dheeli tirnaan dhanka Warbaahinta ah.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com