Hargeysa(GNA)-Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta Cabdillaahi Maxamed Daahir, ayaa si ka baxsan Anshaxa Masuuliyadda iyo Xilka uu hayo, uga fal celiyay Eedeymo uu u soo jeediyay Xildhibaan Maxamed Faarax Qabille oo sheegay in Wasiir cukuse iyo Wasiir ku xigeenka amnigu ka dambeeyeen weerar uu ku soo qaaday Sarkaal ka tirsan Ciidanka oo qirtay inuu Rasaas ku riday xildhibaanka.
Cukuse oo maanta warbaahinta kula hadlay Xafiiskiisa ayaa sheegay inaanu wax lug ah ku lahayn Falkaasi, isla markaana qabille uu uga fadhiyo cadeynta Eedda uu u soo jeediyay.
Waxa uu sheegay inuu Hay’adaha Garsoorka u gudbiyay Dacwad ka dhan ah Eedda loo soo jeediyay, waxaanu dalbaday inay Hay’adaha arintaasi ku shaqada lihi baadhis ku sameeyaan qadafka Xildhibaanku u soo jeediyay.
Xildhibaan Maxamed Faarax Qabille ayaa shalay sheegay in Wasiir Cukuse iyo Wasiir ku-xigeenka amniga Qaranka Cabdilaahi Cismaan soo adeegsadeen Ninka soo weeraray, waxaanu intaasi raaciyay in loola badheedhay dil balse Ilaahay ka badbaadiyey.
Eeddan ayaa ah mid Faddeexad weyn iyo nusqaan ku ah Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, waxaanu falkani noqonayaa kii labaad ee xukuumadda lagu xidhiidhiyo ee arimo siyaasaddeed salka ku haya.
Bishii April ee sanadkan ayay ahayd markii Weerar lagu qaaday goor habeenimo ah Wargeyska Hubaal oo ay fuliyeen Saraakiil Bilays ah baadhistiisu ay madax la gashay Masuuliyiin xukuumadda ka tirsan oo Wasiirro ku jiraan.
Weerarkaasi ayaa lagu dhaawacay Guddoomiyaha Wargeyska Hubaal Maxamed Axmed Jaamac, isla markaana lagu cabsi geliyay Hawl-wadeenada kale ee Wargeyska.
Falalkan noocan ah ayaa hadii ay sidan ku sii socdaan, isla markaana Masuuliyiinta dawladdu sidan uga jawaabaan marka lagu eedeeyo waxyeelo u geysan karta sumcadda dawladnimo iyo nabad-gelyada ay bulshada Caalamku ku majeerato.
Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ayaa looga fadhiyaa inay Kiiskan Xildhibaanka lagula kacay iyo kuwo kale oo weerarkii Hubaal ka mid yahay baadhis Cadaalad ku dhisan ku samayso, kana soo saarto natiijo lagu qanci karo oo damaanad u noqota eedeymaha isdhaafaya.
Weerarkii lagula Hujuumay Wargeyska Hubaal ayaan ilaa hada wax natiijo ah laga soo saarin, isla markaana xukuumaddu ku kacday falal kale oo lagu dambabesay kiiskaasi, waxaanu kan cusub ee Qabille lagu qaaday Bulshada dib u xusuusiyay Dhaawacyadii iyo dhibaatooyinkii loo geystay masuuliyiinta Wargeyskaasi oo aan ilaa hada gar iyo garowshiyo toona laga bixin.
Hadii Baadhis Cadaalad ah la waayo, gaar ahaana falalkan oo kale jid loo sameyn waayo, taasoo waxay soo dedejinaysaa isku dhac iyo in qofkii waxyeelo la gaadhsiiyaa isagoon sharciga marin gacantiisa ku aar-guto.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com