Thursday, October 24, 2013

London:Shirkad Somaliland u soo Daabici jirtay Waraaqaha Codbixinta Doorashooyinka oo Maxkamad la saarayo 6 November


London(GNA)-Labada Masuul ee ugu sareeyay Shirkad Daabacaadeed oo la yidhaahdo Smith and Ouzman Limited, mid ka mid ah shaqaalahooda iyo wakiil shirkadaas ka tirsan ayaa hortegay Maxkamad ku Taal magaalada London, kadib markii lagu eedeeyay Musuq-maasuq ay ku kaceen.




Chris Smith oo 70 Jir ah, guddoomiyihii hore ee shirkadda Smith and Ouzman Limited, iyo wiil uu dhalay oo la yidhaahdo Nick Smith oo 42-jir ah, isla markaana ahaa madaxa iibka iyo suuq-geynta, Tim Forrester oo isna 45-jir ah, ahna maamule Caalami ah oo iibgeynta ah iyo Wakiil magaciisa la yidhaahdo Cabdiraxmaan Cumar oo isna 37-jir ah, ayaa lagu soo oogay musuq-maasuq ah inay ogolaadeen inay bixiyaan lacag wadarteedu ku dhowdahay nus malyuun giniga Ingiriiska ah, taas oo ka horimanaysa qaybta koowaad ee Xeerka Musuq-maasuqa ee Xeer 1906 ee dalka Ingiriiska, sida uu sheegay Xafiiska la-dagaalanka Musuq-maasuqa ee loo soo gaabiyo SFO.




Raggan ayaa la sheegay in lagu tuhunsan yahay inay ku bixiyeen lacag dhan £413,552 (Afar boqol, saddex iyo toban kun, shan boqol, konton iyo laba giniga Ingiriiska ah) sidii ay Qandaraasyo ganacsi ugu heli lahayd Shirkadoodu, sidaana waxa laga soo xigtay afhayeen u hadlay xafiiska SFO.




Tallaabooyinka Musuq-maasuq ee lagu eedaynayo raggan ayaa la sheegay inay dhaceen wakhtiyadii u dhexeeyay bishii November 2006 ilaa bishii December 2010, kuwaas oo la xidhiidhay hawlo loo wadday dalalka Mauritania, Ghana, Somaliland iyo Kenya.




Shirkadda Smith and Ouzman, ayaa ku takhasustay daabacaadda dhokumentiyada la sugo ammaankooda ee ay ka mid ka yihiin waraaqaha codbixinta, shahaadooyinka imtixaanada iyo foojaradda lacag-bixinta.




Chris Smith, Nick Smith iyo Forrester ayaa ka soo jeeda Bariga Sussex, halka Cabdiraxmaan Cumar uu ka soo jeedo magaalada London, kuwaas oo dhammaantood lagu sii daayey dammaanad shuruudeysan kadib markii ay horyimaadeen Maxkamadda Westminster Magistrate, maalintii arbacadii shalay, waxaana loo muddeeyay inay 6-da bisha November mar kale hor yimaadaan Maxkamadda Southwark Crown ee magaalada London.




Masuuliyiinta shirkaddan Chris and Ouzman ayaa xaflad ka dhacday 8-dii bishii January ee 2013 Hotelka Ambassador ee magaalada Hargeysa, waxa uu Komishanka Doorashooyinka Somaliland guddoonsiiyay shahaado sharaf loogaga mahadcelinayo doorkii tabaruca ahaa ee heerka caalami ahaa ee ay kaga qayb-qaateen taaba-galkii adeegii doorashooyinka ee ay ka midka ahayd keenista iyo soo-samaynta waraaqihii codbixinta iyo dhokumentiyada  doorashooyinkii Madaxtooyada, Baarlamaanka iyo goleyaasha deegaanka ee sannadihii, kuwaasoo kala dhacay xiliyadan, sida u sheegay Wargeyska Saxafi, 2003, 2005, 2009, 2010 iyo 2012.




Nuxurka Dacwadda lagu soo Oogay oo Nuqul ka mid ah Gobanimonews heshay ayaa lagu sheegay ilaa lix qodob oo dhamaantood la soo bandhigay Cadeymahooda, waxaana ka mid ah.




 1)   Kiiskan waxa lagu aqoonsaday Baadhis qoto dheer iyo cadeymo ay soo bandhigtay SFO bishii August.




 




2)  Qiimaha lacagta la musuqmaasuqau ee la bixiyay ayaa  £413,552.12.




3) Sharciyada dayn qaadasho sharciga baalmarsan , iyadoo Kiiskaasi maxkamaddu codsatay in laga soo qaato dacwad dhacday 1981.




Afarta nin ee Maxkamaddu soo bandhigtay ayaa lagu shaxay sidan:-




- Nick Smith 42 Jir ah, isla markaana ah Agaasimaha Suuqgeynta iyo Iibka ee shirkadda.




- Tim Forrester oo isna 45 jir, iska markaana shirkadda u qaabilsan Suuqgeynta Caalamiga ah.




- Abdirahman Omar oo ah Somali da’diisa lagu sheegay 37  jir., wakiilna shirkadda u ah.




Dambiyadan ayaa la sheegay inaay shirkaddu gashay sanadihii u dhexeeyay Noverber 2006 ilaa December 2010, waxaanay ka gashay Mauritania, Ghana, Somaliland and Kenya.




Dhegeysigii u horeeyay ee dacwada ragan ayaa ka dhacay maxkamadda Westminster Magistrates’ Court 23 October 2013, sida aanu ka soo xiganay qoraal laga faafiyay Gal-dacwadeedka shirkaddan, waxaana la filayaa in dhegeysiga labaad isna 6 November 2013 ka dhaco Maxkamadda  Southwark Crown Court ee magaalada London.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com