Thursday, October 24, 2013

Siyaasadda ninka cad ee Geeska Afrika Ibraahin Yuusuf Axmed ”Hawd”


Dadyowga maanta loo yaqaan "Reer Galbeed" waxa ay wadaagaan afaf, qiyam iyo dano mideeya oo ay isugu hiilintooda ku wada dhintaan. Ilaashiga danahoodaa waxa ay u mideeyeen awooddooda oo dhan: siyaasad, dhaqaale, ciidan iyo warfaafin. Xooggo ay dunida ku lee yihiin halkaas ayuu ka imanayaa. Isku duubnidooda caynkaas ah wax aad mooddaa in ay qaateen dardaarankii uu Nebi Maxamed (scw) dadkiisa faray ee ahaa in ay noqdaan jidh qudha.




Reer galbeedku iyaga oo sidaa u midaysan oo dantooda u wada maleegan ayay dadyowga kale la xaajoodaan, oo xitaa shakhsiga qudha abbaaraan. Soomaalida oo ka la daadsan oo awood liidata sidaas ayay u la dhaqmaan. Tusaale ahaan muddo dheer dalalkaas oo dhami soomaalida waxa ay ku colaadiyeen oo ku go’doomiyeen "maxaa askari Maraykan ah Xamar loo dhex jiiday?".




Soomaalida inta madaxbannaani loo oggol yahay iyo inta ku xukuman in ay ummad kale hoos joogto beri fog baa London lagu go’aamiyay. Waa qorshe ku dherersan danta ninka cad ee maalintaa, maanta iyo berriba, ee ah daciifinta iyo fadqalallaynta soomaalida oo qaabbilsan midaynta iyo xoojinta bulshooyinka la deriska ah. Guud ahaanba juqraafiga siyaasadeed ee Geeska Afrika waxa uu ku salaysan yahay indho cadaawadeed oo soomaalida lagu eegay. Waayo? Kiiniya, Itoobbiya iyo soomaalidu maxaa ay ku ka la duwan yihiin oo caddaanku u ka la xigsadaan oo iyaga ugu hiiliyaan? Maxaa Itoobbiya weligeed loo koolkooliyaa soomaalidana loo dulleeyaa? Maxaa dal Kiiniya la yidhaahdo loo abuuray oo waxaas oo qoomiyadood loogu ururiyay, isla markii isirka soomaalida la ka la qoqobay? Ingriisku kolkii ay soohdimaha qaaradda Afrika jeexayeen maxay ku keeneen in ay qoomiyado ka la dhaqan, ka la af iyo ka la diin ah soohdin ku wada xereeyaan (sida kiiniyaatiga), isla markaa qoomiyado kale oo intaaba wadaaga dhawr meelood u qaybiyaan (sida soomaalida)? Jawaab kolley anigu igu filan baan taa u haystaa. Ingiriisku waxa uu doonayay dadyowgii Afrika ee kolleyba berigaa qaramoobi lahaa in uu tiisa ku yeesho oo dantiisa dhaqan iyo dhaqaale ku tallaalo.




Itoobbiya waa dal ay ku dhaqan yihiin tobannaan qoomiyadood sida oromo, amxaaro, tigree, soomaali, caliteri iyo qaar kale oo badan, kuwaas oo leh afaf, dhaqammo iyo diimo ka la dudduwan. Qolada Amxaarada la yidhaahdo, oo awood taariikhi ah ku leh Itoobbiya, waxaa la sheegaa asal ahaan in ay ka soo jeedaan galbeedka qaaradda Aasiya, oo ay isirnimo la wadaagaan carabta iyo yuhuudda, dhulkaas oo ay ka yimaaddeen intii u dhexaysay 500 ilaa 100 sano Ciise hortii. Waxa ay ku badan yihiin dhulka buuraleyda ah, waana bulsho beerato ah oo ku dhisan ka la sarrayn iyo is addoonsi aad u xun, iyada oo dhaqan ahaan qofka awooddiisu ku xidhnayd lahaanshaha dhul beereedka. Tiradooda waxaa lagu sheegaa dhawr iyo toban malyuun, waxa ayna u badan yihiin masiixi in kasta oo muslin ku jiro.




Diinta Masiixigu qoladaa waxa ay ka soo gashay dhanka Masar xilligii Roomanku halkaa haysteen 300 sano Nebi Ciise dabadii. Sidaas ayay amxaarada iyo qolooyinka kale ee masiixiyoobay ku yeesheen abaabul iyo awood fiican iyo nadaam dawladeed. Dabadeed markii ay Diinta Islaamku Geeska Afrika dhanka bari kaga soo fidday ayuu labadii qolo loollan ka dhex qarxay. Gaar ahaan qarniyadii dhexe ee ay masiixiyadda Yurub gobolka soo faragelisay ayay colaadda diineed xoogaysatay. Berigaa ilaa maanta sidaas ayay caddaanku u wadeen hiilka iyo hooda ay goor walba la garab taagan yihiin masiixiga Itoobbiya oo ay talada ugu hayaan, oo aanay maalin qudha uga hadhin. Xitaa muddadii uu talada hayay golihii Dergiga, oo ahaa diinlaawe shuuci ah, sidaas ayaa loo garab taagnaa.




Quwadaha caddaanku marka ay tumayaan durbaanka dimuqraadiyadda iyo xuquuqda dadka, Itoobbiya waxaa saaran, weligeedna saarraa, kelitalisnimo iyo dulmi siyaasadeed kii ugu xumaa. Dalkaa waxaa ka dhaca gumaad dadweyne, barakicin, cabbudhin iyo kufsi abaabulan oo ay ciidammada dawladdu geystaan. Xabsiyada waxaa ku qudhmay kumannaan qof oo siyaasad u xidhan. Isla marka ay sidaa tahay ayaa Xabashida loo furay durdurro dhaqaale iyo taageero ciidan, iyo ilaalin siyaasadeed oo aan ka la reebbanayn. Dimuqraaddiyad iyo xuquuq dad waxaa lagaga maarmay in qolada masiixiga ahi talada haysato oo muslinka madaxa kaga taagnaato.




Ta Kiiniya iyaduna taas ayay wax la wadaagtaa waxna kaga duwan tahay. Maalmihii dhowaa ee ay Al-Shabaab Nayroobi weerareen madaxweynaha dalkaasi, Uhuru Kenyatta, khudbaddii uu dadkiisa ku la hadlay waxa ay ahayd af ingiriisi. Afkaa aanay dadkiisu lahayn waxaa baday iyada oo tobannaanka qoomiyadood ee dalkaa ku wada dhaqani aanay lahayn af ka dhexeeya oo lagu wada hadlo. Sidaa darteed madaxweynuhu in uu dadkiisa af igiriisi ugu khudbadeeyaa waa qorshihii Ingiriisku awelba waxaas oo dad ah dal cusub oo Kiiniya la yidhaahdo ugu ururiyay oo si wacan u shaqeeyay.




Dhanka kalena qoomiyadaha aan waxba wadaagini, sida Kiiniya, waxa ay baahan doonaan wax ka dhexeeya oo ay ku wada noolaadaan, gaar ahaan afka iyo dhaqanka. Baahidaasi waxa ay u nuglayn doontaa qaybsanaan dabiici ah, iyo in ay dabadeed u wada irkadaan af ingiriisida. Maanta dadkaa waxaa mideeya waxyaalihii ay Ingiriiska ka dhaxleen oo qudha, sidaas bayna danihiisii dhaqan iyo dhaqaale habsami halkaa uga socdaan. Qaaradda dhan ee Hindiya ujeeddo taa la mid ah baa loo mideeyay, in kasta oo kolkii uu ka tegay qaar ka go’een, af ingiriisi baana la isku wada af gartaa. Waxaa la mid ah Nayjeeriya oo ay ku midaysan yihiin dadyow afrikaan ah oo aan tiro lagu koobi karin, kuwaas oo iyaguna af ingiriisida ku khasbanaaday. Kuwaas oo dhan waxaa ka duwanayd soomaalida oo isku af ahayd, oo ay Ingiriis la noqotay haddii qaran midaysan loo oggolaado in ay mustaqbalka yeelanayso awood ay isku caabbido.




Iyada oo siyaasadda Reer Galbeed ee dunida iyo ta Geeska Afrikaba sidaa iska ahayd ayay soomaalidu dawladnimadii lixdankii la bilawday isgiijin iyo madax-adayg. Ugu horreynba soomaalidu waxa ay ka hortimid sida loo qayday soohdimaha dhuleed ee gobolka. Taasi waxa ay xumaysay xidhiidhka ay la lee dahay Ingiriis iyo Maraykan oo soohdimahaa sameeyay welina leh awoodda ugu weyn ee dunida. Dabadeed siyaasaddii arrimaha debedda ee soomaalida waxaa gashay fawdo iyo xasillooni darro, waana tii Bari iyo Galbeed, Afrika iyo Carab kolba dhinac u tasowday. Waxaa batay cadawgeeda, deris iyo duniba, sidaas ayayna ku timid masiibadii weynayd ee geyiga ka dhacday.




Haddii ay sidaa ahayd, firfircoonida wanaagsan iyo niyadsamida maalmahan soomaalida loo muujinayaa maxay daarran tahay? Nabadaynta, aqoonsiga iyo taageerada Xamar la siinayo ma waxaa lagu doonayaa in maamul dawladeed oo shaqaynaya lagu caawiyo si looga badbaado argaggixisada iyo budhcad badeedda? Ma bani aadamnimada wanaagsan baa ugu dambayntii soo baraarugtay oo waxaa la garwaaqsaday soomaalidu in ay nabad iyo nolol xaq u lee dahay? Ma qaxootiga meel walba qulqulaya ee badaha iyo baaxadsooraha ku halligamaya ayaa damiirku ka damqaday oo dalkooda looga dhigayaa meel lagu noolaan karo? Ma dhaqdhaqaaqa tayada leh ee Turkigu bilaabay baa laga hinaasay oo meesha laga cidhiidhsanayaa? Ma soomaaligii madaxa adkaa baa silicii iyo saxariirtii ku laylyamay oo waxaa la gaadhay goortii loo talin lahaa khayraadka dhulkiisana laga faa’iidaysan lahaa? Dastuurka cusub ee Xamar lagu ansixiyay nuxurkiisu sow caddayn u ma aha soomaalidu in ay aad u debecday? Mise dadka soomaalida ayaa awel badaawi ah oo imika ilbaxay sidaa darteed loo arkay in la la shaqaysan karo? Intaas oo wayddiimood mid keli ahi haddii ay haa noqoto waa sabab wax ka beddeli karta qorshihii ninka cad ee Geeska Afrika iyo siyaasaddii soomaalida lagu la dhaqmi jiray. Waa se arrin u baahan in la taxliiliyo si haddii khayr ku jiro loo dhiirrigeliyo haddii shar ku jirana looga gaashaanto?




www.ibraahinhawd.com