Friday, October 18, 2013

Talyaaniga oo Yurub isu dhaafinaya kumanaan Qaxoonti ah oo Somali badani ku jirto si uu culayska isaga yareeyo


Rome(GNA)-Warar hor dhac oo laga helay Qorshe ay waddamada Reer Galbeedku doonayaan inay kula macaamilaan dadka Magan-gelyo doonka ah ee u soo tahriiba Qaaradda Yurub, ayaa iftiiminaya in sharciyada iyo isaga gudubka dalalka ugu badan ee ay dadka afrikaanka ahi isaga gudbaan la fududeynayo.




Talaabadan ayaa looga golleeyahay in Culayska laga qaado waddanka Talyaaniga oo ay ku suganyihiin Kumaan dad Qaxoonti ah oo ka kala yimi qaarada Afrika iyo Suuriya.




“Talyaaniga iyo dawladdaha kale ee Yurub waxay doonayaan in dadka soo galootiga ah laga daayo faro ka qaadista si marka ay Dalka u yimaadaan uga sii gudbi karaan waddamada kale ee Yurub”sidaasi waxa Gobanimonews u sheegay Nimcaan Xasan oo ka mid ah Boqolaal qaxoonti Somali ah oo ku jira Kaam ku yaala Jasiiradda lampaduse ee dalka Talyaaniga.




“wali arintaasi si rasmiya looma shaacin, laakiinse saraakiisha Kaamka aanu joognaa waxay noo sheegeen inay dawladda talyaanigu samaynayso arin ay ku farxi doonaan, oo dhinaca socdaalka ah, waxaana intaasi dheer sharciga Talyaaniga oo la fududeynayo si dadku shaqooyin ugu raadsadaan wadamada kale”ayuu intaasi raaciyay Nimcaan.




Jasiiradda Sicily ee ku taal badda Mideterranean-ka ayaa todobaadkan badhtankiisii lagaga dhawaaqay xaalad degdeg ah, sabab la xidhidha oo  baaxadda iyo dhibaatooyinka ka imanaya tahriibayaasha ku soo qulqulaya xeebaha jasiiraddaasi iyo jasiiradda kale ee Lampedusa.




Dhawaaqa xaaladdani degdegga ah waxa la sheegay in looga dan leeyahay in xoogga la saaro hawlaha gurmadka ee taakulaynta iyo badbaadinta tahriibayaasha ku soo qulqulaya badda Mediterranean-ka, kuwaasoo qaar badani ku dhex halligmayaan baddaasi, dadkaasi oo badankoodu ka kala imanayaa dalalka Afrika iyo Suuriya.




Mas'uuliyiinta Talyaanigu waxay sheegeen in ilaa 370 qof oo kale oo tahriibyaal ah  Salaasadii laga soo badbaadiyey saddex doonyood oo ku cadilnaa badda u dhaxaysa Libya, iyo jasiiradda Sicily. Dadkaasi dhammaantood  loo wareejiyey jasiiradda Lampedusa.




Lampedusa waa marinka ugu horreeya ee tahriibayaasha faraha badan ee ku qulqulayaa xeebaha iyo jasiiradaha badda Mediterranean-ka ee Talyaaniga, waxana soo raaca jasiiradda kale ee Sicily oo qaxootigaasi badh loo wareejiyo, sababo dhanka  agabka iyo adeegga  nolosha ah oo ay halkaasi kaga roontahay Lampedusa.




maalmo yar ka intaan Xaaladdan degdegga ah lagu soo rogin Xeebaha Dawlada talyaanigu waxay  sheegay inay kordhinayaan ilaalada xeebaha iyo badda, ka dib markii halkaasi ay ku dhinteen boqolaal ka tirsan tahriibayaashaasi.




Talaabooyinka hada la qaadayo ayaa u muuqda kuwo lagula tacaalayo Dhibaatooyinka soo noqnoqday ee ka dhasha Tahriibta, taasoo dadka ugu badan ee la kulmaa ay yihiin kuwa ka safra Xeebaha liibiya.




Tan iyo bishii January ee sanadkan waxa waddanka Talyaaniga gaadhay dad ka badan 3441 qof oo Somali ah, kuwaasoo qayb ka ah kumanaan hada ku jira Xeryo qaxoonti oo ku yaala dalkaasi.




sidoo kale Saraakiisha Talyaanigu waxay sheegeen in ilaa sagaal kun oo Suuriyaan ahi dalkaasi tahriib ku soo galeen.




Ciidamadda Xeebaha ee waddanka Talyaaniga ayaa la sheegay inay bilaabeen hawl-galo ku dhereran ilaa meel wax yar u jirta Xeebaha Liibiya oo ah halka ay ka soo shiraacdaan Tahriibeyaasha Afrikaanka ah oo somalidu ku jirto.




waxaana la sheegay inay Diyaarado kula soconayso dhaqdhaqaaqa Badda, isla markaana hadii wax doonyo ah lagu arko gudaha badweynta loo diraayo Maraakiib badda ku jirta, sida ay Gobanimonews u sheegeen qaar ka mid ah dadka Somalida ah ee degen Xeebta lampadusa.




Gobanimonews




London Office




Email: editor@gobanimonews.com