Friday, October 18, 2013

Xukuumadda oo Sheegtay in Madaxweynaha Somaliland iyo Raysul Wasaare Erdogan-ka Turkigu ku Heshiiyeen In dalka Turkigu meelo Muhiim ah dalka laga Maalgaliyo


Xukuumadda oo Sheegtay in Madaxweynaha Somaliland iyo Raysul Wasaare Erdogan-ka  Turkigu  ku Heshiiyeen In dalka Turkigu  meelo Muhiim ah dalka laga Maalgaliyo




“Wada Xaajoodkii dalalka Somaliland iyo Turkiga waxa ka soo baxay in dalka Turkigu uu Somaliland ka maalgeliyo Dhanka Xoolaha,Biyaha,Dekedda iyo Khayraadka dabiiciga ah “Wasiirka Ganacsiga iyo Maalgashiga  Ee Somaliland




Wasiirka Ganacsiga iyo Maalgashiga Caalamiga ah ee Somaliland md Maxamed Cabdilaahi Cumar  ayaa sheegay  in Waftigii uu hogaaminaayay Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamuud (Siillaanyo) ee  tegay dalka Turkiga ay  Madaxweynaha Somaliland iyo Raysul Wasaaraha dalkaasi Tayyip Erdogan ay Heshiis ku qaateen meelaha dalka Turkigu uu Somaliland ka hirgelindoona.




Wasiirka Ganacsiga iyo Maalgashiga Caalamiga ah ee Somaliland md Maxamed Cabdilaahi Cumar   oo u waramaayay  Shebekedda Somalilandsun ayaa sheegay in Madaxweyne Axmed (Siillaanyo) iyo Erdogan-ka  dalka Turkigu isku afgarteen  kuna heshiiyeen in Turkigu Somaliland ka maalgeliyo  meelaha ay ka mid ka yihiin,Horumarinta Xoolaha,Laydhka,Khayraadka Dabiiciga ah,Biyaha iyo Casriyaynta Dekeddaha.




 




Md  Maxamed  Cabdilaahi  Cumar  oo arintaasi ka hadlayay waxa uu yidhi “Wada Xaajoodkii dhexmaray Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo) iyo Raysul Wasaaraha dalka Turkiga  Tayyip Erdoğan  iyo Masuuliyiintii kale ee dalkaasi waxa ka soo baxday natiijo heshiis ah in dalka Turkigu Somaliland ka maalgeliyo oo ka taageero dhinacyo ay ka mid yihiin dhanka Horumarinta Xoolaha,Laydhka iyo khayraadka dhulka,Biyo Gelinta iyo dhismayaasha Casriyaynta ee Dekedda”




Wasiirka Ganacsiga iyo Maalgashiga Caalamiga ah ee Somaliland md Maxamed Cabdilaahi Cumar  ayaa sido kale sheegay in Maalgashadayaasha u dhashay  dalka Turkigu ay diyaarinayaan sidii ay goobahaasi muhiimka ah uga maalgashanlahaayeen dalka Somaliland isla markaana ay dalka imandoonaan mudo dhaw,waxanu sido kale sheegay in dalka Turkigu uu xidhiidh dhaw oo uu la sameeyo Somaliland ay tahay talaabo fiican isla markaana arimaha laga wada hadlay ay ka mid yihiin sidii dalka Turkigu Somaliland uga furanlaha Safaarad isla markaana Somaliland lafteedu iyan Turkiga uga furanlahayd Khusuliyad labada dal isku xidha”




 




Wariye Shabac hudle




Shabachudle@gmail.com




Gobanimonews@gmail.com/Hargeysa Head Office/ Somaliland