Washington(GNA)-Aqalka Cad ee Maraykanka ayaa xaqiijiyay in heshiis laga gaadhay Miisaaniyadda Dawlada ee xidhantay todobaadkii hore.
tan ayaa ka dambeysay walaac laga qabay Mustaqbalka Dhaqaalaha dawladda oo xidhmay, ka dib markii labada aqal ee Senate-ka iyo Congress-ku diideen inay ansixiyaan Miisaaniyada dawlada, bishii hore dhamaadkeedii.
Madaxweynaha Maraykanka Barack Xuseen Obama, qalinka ku duugay Heshiiska cusub ee laga gaadhay dib u kabista Miisaaniyada dawlada “in ka badan 200 sanadood may dhicin arintan oo saameyn ku yeenaysa dhaqaalaheenu”ayuu yidhi Obama oo aqalka cad ka hadlayay.
Madaxweynaha ayaa intaasi ku daray in Masuuliyadda labada xisbi ee Dimuquraadiga iyo Jamhuurigaba ay Masuuliyadoodu tahay inay ilaaliyaan dhaqaalaha dalka iyo dawladd.
Hoos ka Daawo Khudbadda Obama Jeediyay:-