Wednesday, October 23, 2013

Taariikh Nololeedka Abwaan Marxuum Cali Banfas 1948-2013 iyo mid ka mid ah Gabayadiisii Naaneystay reebay


Abwaan Cali Xasan Adan (Banfas), wuxuu ku dhashey deegaanka Dhaboolaq ee duleedka magaalada Hargeysa sanadkii 1948kii. Quraanka iyo tacliintiisa dugsiga hoose iyo sare wuxuu ku dhamaystey magaalada Hargeysa.




 Waxa uu sanadkii 1971 ka qalinjebiyey kuliyaddii tababarka macalimiinta ee LAFOOLE. sidaas ayaanu ku ahaa macalin mudo dheer ka shaqaynayey wasaarada waxbarashada dawladii Somaliya.




Cali Xasan waxa uu ahaa hogaamiyihii u horeeyey ee ururkii ardayda Soomaaliyeed (SSA)—(Somali Students Association). Ururkaas oo banaanbax uu soo abaabulay sanadkii 1968kii ay ugu halgamayeen in magaalada Hargeysa yeelato dugsi secondary ah.




Markii ay dhamaysteen dugsigii dhexe ayey diideen in loo bedalo dugsiga sare Camuud ama Sheekh midkood. Banaanbixii ay soo qaadeen ururkii ardaydu waxaa ku dhintey wiil reer Hargeysa ahaa. Dhamaan xubnihii ururka oo dhan xabsiga ayaa la dhigay mudo dhowr maalmood ah,Kamanay tanaasulin hadafkoodii, Sidii baana lagu dhisay dugsiga sare ee Faarax Oomar ee magaalada Hargeysa. Cali Xasan Aadan wuxuu kamid noqdey dufcaddii u horeysay ee ka baxdey dugsigaasi Farah Omar sanadkii 1969-70. Geedaha gobka ah ee ka dhexbeeran dugsigaasi waxa beeray ardaydii wax ka baran jirtey.




Cali Xasan Aadan mid kamid ah geedaha ugu waaweyn ee gobka ah, ee badhtanka dugsiga Farah Omar isagaa beeray, wuxuuna midhiihiisii gurtey wakhtiyadii danbe ee uu macalinka ka noqdey dugsigaasi.




Markii uu u gudbey magaalada Muqdisho ee uu ka baxay Jaamacaddii Lafoole wuxuu barre ama macalin ka ahaa dugsiga sare ee Macalin Jaamac ee magaalada Muqdisho, waxaanu halkaas ka sii wadey cabirka dareenkiisa suugaaneed oo uu Hargeysa ka bilaabay wakhtigii uu ardayga ahaa.




Sanadkii 1975kii ayuu ku guulaystey tartan suugaaneed lagu qabtey magaalada Muqdisho Tartan suugaaneedkaas, waxaa ka qaybgaley abwaano iyo gabayaa aad u tiro badnaa oo Soomaaliyeed,Tartan suugaaneedkaas waxaa magaciisu ahaa Bandhiga Fanka iyo Suugaanta, kaasoo marka la soo gaabiyona noqonay BANFAS.




Sidaa buu naaneystiisa ku qaatey kadib markii uu kaalinta 1aad kaga guulaystey tartan suugaaneedkaas. Kaalinta 2aad waxaa galay abwaan Cabdulqaadir Xirsi Yamyam, kaalinta 3aad waxaa galay abwaan Cabdalle Raage, halka Kaalinta 4aad uu galay abwaan Muuse Cali Faruur.




Sanadihii u dhaxeeyey badhtamaha todobaatanaadkii ilaa sideetamaadkii, wuxuu ku gudo jiray fikir cabir suugaaneed oo uu si xoogleh ugu dhaliilay nidaamkii kalitaliska ahaa,wxaanuu ku muteystay xadhig iyo cadaadis farabadan oo kaga yimid nidaamkii kalitaliska.




 




Dhacdadii ugu taariikhda badneyd waxay ka dhacdey magaalada Hargeysa, Dhismaha Maxkamadda Gobolka Hargeysa,halkaasoo ay ku adeegi jirtay Maxkamadii Badbaadada ee taliskii Maxamed Siyaad Barre.




Cali Xasan oo lagu eedeynayey inuu tiriyey gabay kasoo horjeeda Dawladii kelitaliska ahayd, ayaa maxkamadda horteeda ka tiriyey isla gabaygii lagu haystey.




Dhacdadan hore umaysoo marin dadka, Waxaa aad looga wada naxay sida la odhan doono, waayo Maxkamadda Badbaadadu waxay lahayd awood aan cidina kaga daba dhufan oo xitaa go’aanadeedu meel looga rafcaan qaato may lahayn, waxa keliya jiray cafis madaxweyne, Siyaad Bare na nin gabay ku caayey inaanuu saamaxaad daaye, ilbidhiqsi fursad ah inaanuu siinayn baa la ogaa.




Waxaa goobta ahayd meel ciidan iyo hub farabadani qarqiyeen oo dadku cabsi gudaheeda iyo hareeraheedaba ku joogi jireen.




 Gabaygaasi qoraalbaanu idiinku soo gudbin doonaa iyo waraysiyo dadkii maalintaas goobjoogga u ahaa.




Cali Xasan Aadan waxaa uu mudo dheer ku qaatay xabsigii caddaaadiska indheergaradka ee Madheera. Inta badan jidhdil laguma samayn jirin, maxaa yeellay marnaba muu dafiri jirin kamid ahaanshihiisa ururkii SNM.




 Markii mujaahidiinta SNM ay afduubeen dayuuradii Somali Airlines bilowgii sideetamaadkii, afduubkaas oo ahaa kii ugu weynaa ee soo mara dawladii kelitaliska waxaa hogaaminayey mujaahid Cawil Cadami. Mujaahidiintu waxay diyaaradii fadhiisiyeen Adis-ababa xarunta Ethiopia,halkaasoo wada hadal iyo shuroodo lagu sii daayey dayuuradii.




 Laba liis ayey soo gudbiyeen afduubeyaashu, liis maxaabiis SNM iyo indheergarad ku xidhan Muqdisho, iyo liis maxaabiis Cali Xasan ugu horeeyo ay ku qoranyihiin oo ay kamid ahaayeen ardaydii dhagaxtuurkii 1982kii Hargeysa ka dhacay. Intii uu Hargeysa joogay iyo intii uu u baxay banaanka iyo fadhiyaddii jabhadii SNM, marnaba kamuu hadhin halgankii lagaga soo horjeeday taliskii keligii taliska ahaa ilaa aakhirkii laga xoreeyey dalka sanadkii 1991kii.




 




Gabaygii Gelbis ee uu ku qaatay Koobkii abaal marinta uu ku guulaystay tartankii Banfas, ayaanu halkan idiinku soo gudbinaynaaye Akhris wanaagsan.




 




1. Marbaa geedi loo rari abaar geli habaas weyne;




2. Mid halkuu gugii degaa mid kale deyrta gelayaaye;




3. Ganuun ceel la fuuqsadaybaa mid kale dib u galshaystaaye;




4. Hadba tuu Ilaah kugu galado gabadhi weeyaane;




5. Nin kastaa miduu Gaasirow galab la haasaawey;




6. Niyadiisu ay gow ku tidhi gooh u ladi waaye;




7. Guurkeenu waa laba dariiq oo is garabyaalle;




8. Waa gabadh la qaadiyo miday guurti bixisaaye;




9. Guurtidu miday bixinaysaa geedka loo tagiye;




10. Garcadaawe maahee shir waa gogoldhigiisiiye;




11. Gadhweyntaba gadhweyn kale ayaa laga horgeeyaaye;




12. Gole-baanistay heeti wali, gaafo hadashaaye;




13. Ooy nimanku geeraarayaa, gabay ku sheegaane;




14. Geel kagama joogsado ninkii caashaqeed galaye;




15. Waayeel gadaal dhawrayaan, garabkku siineyne;




16. Hadday lexejecladu geestahoo, la is afgaran waayo;




17. Ama gabadh ka weyn lagu xidhiyo gaban horaan siiyey;




18. Oo gabadhu wey doonantahay gawska ku adkaysto;




19. Ama xeer gu’yaal hore soo taxnaa loo gu tirinaayo;




20. Garta lagu xabaashoo, halkaa la is-girgirin waayo;




21. Inankii gabiin iyo xanuun, laba gardaymooye;




22. Inantiina goob kale ayey, geydha la qabtaaye;




23. Kala gurashadoodiyo faqay, gees ka garataaye;




24. Marka uu wax garadkii hadlo, eey talo go, aan joogto;




25. Inta gooni loo kala baxaa, la is gun xaadhaaye;




26. Garowshiinyo la iskula noqdaa, oo goddob la baajaaye;




27. Soomaali waa gibin cidii, dhaqan ku gaadhaaye;




28. Ducadiyo gabaatiga, markii la isku gacan qaado;




29. Inankii gu’ddoonsaday, xileyn guudka laga saarye;




30. Waa gob iyo caadkeed, iney gabadha hooyaane;




31. Soddohdiina guubaabaday, dumarka gaadhsiine;




32. Gol dalooladaa alag jiraa, gacalku taageerye;




33. Maro goodi dheeriyo, xariir lagu gadaamaaye;




34. Subaggeenii guunyada, iniin ugu galaalaane;




35. Gadaal iyo hor baa laga maraa, labada goonyoode;




36. Gaban loo xanbaarshaa, oo lagu gardaadshaaye;




37. Gelbis iyo damaanshaad, aroos loo gimaamadiye;




38. Gujiyee mid kale ayaan idin garwaaqsiinne;




39. Gabadhii la qaadana, haddaan idin garwaaqsiine;




40. Hadduu guunyo badan waayo, uu goosan kari waayo;




41. Gidhligiyo gammaankoo lamadan, golaha keeneynin;




42. Yaradkuu ka gabangaabsadaa, geed-fadhiisiga e;




43. Kiiyoo Faygamuurtii sitiyo, laba go’oo maydhan;




44. Dabadeed is gaaf-gaafayoo, ganafka taagaaya;




45. Gaashaanka iyo Tooridiyo, Gamas intuu qaato;




46. Geyiguu ka soo xulan, miday gobodu saarneyde;




47. Ganaaniyo Galduur, iyo Nugaal Aradka Gaaroodi;




48. Gadhka Seylac Geeskaa bariyo, Gaarisiyo Faafan;




49. Hadii aan galbeed uga rogoon, Herer ku gaadhsiiyo;




50. Gedh ilaa gedaankaa, ayuu gaadhka soo marine;




51. Haddii guuto loo wada degiyo, jeesas kala gaar a;




52. Gabal kama tegaayoo, dhulkuu galalafaayaaye;




53. Sidii gaadaweynoow Libaax, guura bahaleeye;




54. Hadduu gego banaan kula kulmiyo, garengar hoosteeda;




55. Wuxuu gacanta soo qabanayaa, timo gamaanleye;




56. Marka ay la garatay dharkiyo guran hugeediiye;




57. Gaagaabsi baa loo dusaa, gaatin caarada e;




58. Gigta jaanta bay dhowrayaan, geelu yuu didine;




59. Geh haduu yidhaa ruux qufacay, wey gabanayaane;




60. Muska giringirtiisiyo hadhkay, gudub u raacaane;




61. Raadkooday gadayaan, hadhow yaan lasoo gurine;




62. Kayn laba markii laga gudbee gaydhu kaba duusho;




63. Guclo orod baa la holadaa, amase gooshaashe;




64. Gelin reerka laga jiitaybay, socod gelaayaane;




65. Geshigaa ninkii lagala tegay, raacdo waw geliye;




66. Goor ay noqoto daynbaa u maqan, waase gudayaaye;




67. Geli awdan geedo isku baxay, webiyo gaafkooda;




68. Garbadiyo xeeliga Yaxaas gacanka soo raacay;




69. Jeertuna gadoodaysooy, gurayso raadkooda;




70. Wiyil geesleh gaatame Biciid, Goray hadaafaaya;




71. Goodir xaradhleh Garanuugta, iyo Geriga dhaadheerba;




72. Goosan Farow ah Doofaaradoo garab ka daaqaaya;




73. Qarandida guclaynaysa ee gudub u rooraysa;




74. Gantaashiyo Qodxaanyada Dhidada gaar u fidhimeystey;




75. Coofaadhka gabangaabsaday, ee guladka buuraaya;




76. Gurdankiyo qoobkaba, dhirtoo wada gariiraysa;




77. Maroodiga dhex gaardiyiyo, goosha iyo aarka;




78. Shabeel giir leh gunafaa dhurwaa, Harimacad guuxaaya;




79. Golli Dacawo weer gaaban iyo, Dhidar garmaameysan;




80. Guduudane cas, guluf iyo guuto amayaal ah;




81. Mas gurguurta Good iyo Abees gulangulcaynaaya;




82. Godka halaqa Goodaadadiyo, Bahalo guuraaya;




83. Raq geylaansan, Haad soo gab yidhi, gaydhankiyo boodhka;




84. Gorgor kacaya guumeysta iyo salamadh geesaas ah;




85. Xuul galuuban geedaha saroo, guudka kaga joogta;




86. Gocondhada iswadahaysatiyo, mici gabaarayda;




87. Guulaamo roob soo onkoday, galowga ooyaaya;




88. Gudooduu la soo jiidhayaa, go iyo haydaare;




89. Marka lala galbado bay, haween galangalcoobaane;




90. Ama kabuhu gooyaan, ooy socodka gaabshaane;




91. Gaargaariyaan ooy kelyaha, gacanta saaraane;




92. Gurmad qeylo-doon ah iyo kiiyoo gulufka yaabaaya;




93. Fulahaa gariiroo yidhaa, lagugu soo gaadhye;




94. Geesiga si loogala hadhaa, waa mid soo gudhaye;




95. Hadii galowda warankaad ogayd, haanka lagu gooyo;




96. Isna wuxuu galaaftaba, rag waa is garab-dhigaayaaye;




97. Isagoo gedaa filanaya, iyo inuu ku guulaysto;




98. Ma gabado’e Faadumo, ayuu soo hadhgeliyaaye;




99. Gaagaa ku haasaawiyaa, gaajo yey tebinne;




100. Googaa iyo cigalee, tiiyoo ga’da la baadhaayo;




101. Sheekooyin gaagaaban baa, la isu gelayaaye;




102. Iney gaarinimo leedihiyo, garasho dheeraada;




103. Geel daaqii hadalkuu u dhigi, gibilna saaraaye;




104. Doqonbaa gandoodee iyana, wey iska garataaye;




105. Inuu gocon irmaameyn yahay, iyo geesi hanandoona;




106. Markaasay miduun ugu go’daa, labad geesoode;




107. Ooy godol ku keentaa hadhaw, ama gabnowdaaye;




108. Gabbal kale hadii reerihii, lagu gayoon waayo;




109. Oo uu la sii gudo caways,qadow gabaahiir ah;




110. Meel garab dhigluu seexiyaa, gaadhna ka hayaaye;




111. Haddii uu gudgude roob heliyo, gabadhle aan qaadin;




112. Gu’iisuu iskugu laabi, uu gees ka uumiyiye;




113. Giddi caawadaasoo dhanbuu, gama’a diidaaye;




114. Hadba waxay gandoodaba, markay gorada hayn weydo;




115. Gelin dhexe sidii cawshabay, yara gamaartaaye;




116. Markuu soo guduutuu cirkii, gees yar ka iftiimo;




117. Yuu gacalo ii toos yidhaa, waagii waa gibine;




118. Iyadoon is guunguuninbay, giijin maradiiye;




119. Laba gobol dhexda u kale go’duu, farax u guuxaaye;




120. Gosha naaska yara muuqatay, buu yara hangoodaaye;




121. Xishood baa gelaayoo, haddana gacanta laabtaaye;




122. Gumar iyo galooliyo maraa, xididalay gaaban;




123. Ama kaynu gaar u niqiin, miduu ka soo gooyo;




124. Cadaybuu gasiin uga dhigaa, galacda waagiiye;




125. Rag jaceylka wow golongolaa, kuna goldheerowye;




126. Go’doon wuxuu la soo maro, haraad gaajo iyo oonba;




127. Sidii giir lo’aad oo ilmaha, laga unuun gooyey;




128. Loo sido gondaalkii tiiyoo, daba gahleynaysa;




129. Isna Goray sidiisii haldhaa, ganafka taagaaya;




130. Ooy soo gardaadihin ayey, guul kusoo hoyane;




131. Gaban loogu wehelyeelayaa, iyo gaban lammaaneeya;




132. Meherkaa dabadeed loo galaa, lana gorfeeyaaye;




133. Gedii xaawalayday gashaa, geela badisaaye;




134. Gar cadaadiskaa meel haboon, lagu gulaalaaye;




135. Saamihii guduudnaan jiriyo, kebadu waa gaare;




136. Gelbis qaayo weynbaa, aroos loo gimaamadiye;




137. Googoos xariiraa docaha, lagu girmaamaaye;




138. Gebladiyo ciyaartoo, firkada lagu garaacaaye;




139. Todobaad gedaasaa, waglada loogu kala goyne;




140. Marka gool cad lagu joogsadiyo, wanan tigaad goostay;




141. Gadhka culimadaa loo geshaa, xeedhyo geeda lehe;




142. Gawsiinin mawliidka oo, gabagabeeyaane;




143. Guuleed ayaa loo tegi, gacaladiisiiye;




144. Oo guullahay loo baryaa, ubad gargaaraaye;




145. Sidii aar gu’yaal badan qadoo, gaajo kala goysay;




146. Gaadada ka fuuloo barkaday, geenyo miraneysay;




147. Galalaati waa ridi, ninkii gaaxsanaan jiraye;




148. Galxoob iyo karuur baa u yaal, gocay liskeediiye;




149. Ha u galo si wacan hawshabaa, loo gol leeyahay;




150. Geeska waa la suubaaniyaa, gaatiree adage;




151. Galka lagu cidhiidhey midida, xanaftu goysaaye;




152. In haf yidhi gadaankii tollaa, sow la garan maayo.




La soco




Qormadan waxaanu ka soo xiganahay Bogga Facebook ee  Cali Xasan Aadan