Hargeysa(GNA)-Xisbiga kulmiye ayaa soo saaray liiska Guddida qabanqaabada shirweynaha xisbigaasi oo dabayaaqada sanadkan ku beegan.
Guddida la magacaabay ayaa ka kooban 27 Xubnood oo ay ku jiraan xildhibaano iyo xunbno ka mid ah Golaha wasiirrada ee xukuumaddu.
Magacaabista ayaa guddidan ayaa ka dambeyay kulamo isdaba muran badani hadheeyay oo maalmihii la soo dhaafay xisbiga uga socday Guriga Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland ee Magaalada Hargeysa.
Maalintii Axadda ayaa hogaanka xisbigu ku kala kacay shir arrimaha shirkan iyo xubno Guddida fulinta lagu soo kordhiyay, waxaana kulankaasi dib loogu balamay in salaasada Maanta dib laysugu soo noqdo.
Kulankii loo balansanaa maanta oo Salaasa ah Islamarkaana, ay Hogaanka Xisbiga Kulmiye, Gudida Fulinta iyo Xubnaha Wasiirada Xukuumada ee ka tirsan Xisbigu ku yeesheen Guriga Madexweyne Kuxigeenka Somaliland C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici), ayaa falanqeyn badan kadib la isla qaatey inta ugu badan ee nuxurka qodobadii muranku ka taagnaa oo ay kamid ahaayeen buuxinta jagooyinkii ka banaanaa Xubnaha Gudida fulinta oo hogaanka Xisbigu soo dhigay, iyo xubnaha laga qaadanayay ururada Rays iyo Dalsan ee ku hadhey Doorashooyinkii Goleyaasha Deegaanka ee Xisbiga Kulmiye ku soo biirey, iyo xubnaha lagu kordhiyay Gudida qabanqaabada Shirweynaha, ee sideeda Xubnood ahaa, oo liiskoodii oo dhamesys tiran lasoo saarey.
Fadhiga lagu ansixiyay Liiska la soo saaray oo ay ka qayb galeen afar iyo sodon xubnood (34)oo Golaha Fulinta Xisbiga Kulmiye ka tirsan ayaa 32 ka mid ahi cod gacan taag ah ku ogolaadeen xubnaha la soo kordhiyay ee fulinta iyo guddida qaban-qaabada shirweynaha xisbiga.
Liiska Xubnaha loo magacaabay Guddida qabanqaabada shirweynaha:-
1-Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble
2-Xildhibaan Ibraahim Axmed Haybe
3-Xildhibaan Maxamuud Jaamac Warfaa
4-Xildhibaan Maxamuud Axmed Obsiiye
5-Xildhibaan Maxamed Jaamac Cabdi
6-Xildhibaan Saleebaan Cawad Bukhaari
7-Xildhibaan Cali Obsiiye Diiriye(Cali-Gabiley)
8-Xasan Maxamed Cali(Xasan-gaafaadhi)
9-C/risaaq Waabari Rooble
10-Sahal Maxamed Jaamac
11-Cismaan Garaad Soofe (Wasiir ku-xigeenka arrimaha gudaha)
12-Faarax Yuusuf Nuur(Faarax-Xadhigle)
13-Abiibakar Xaamud Jibriil
14-Xasan Mawliid
15-Cabdiraxmaan Maxamuud Caraale
16-Yaasiin Maxamuud Cabdi
17-Amaal Xaaji Axmed Miisaan
18-Mustafe Faarax Dhoore
19-Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac(Cabdi-giire)
20-Dr Cumar Cilmi Duxood
21-Faarax Cali
22-Xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Caalin
23-Aamina Yuusuf Aar
24-Fu’aad Maxamed Cumar
25-Yuusuf Nuur Maxamed(Garuuje)
26-Ibraahim Cowke
27-Maxamuud Axmed Saalax
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com