Riyadh(GNA)-Dawladda Sucuudiga ayaa ku gacan saydhay ka mid noqoshada xubnaha Golaha amaanka ee qaramada Midoobay, maalin ka dib markii ay lumisay xubinnimadeeda 15-ka waddan ee Golaha amaanka.
Wasiirka arrimaha dibada ee dawlada Sucuudiga ayaa sheegay in Golaha amaanku ku guul-daraystay wax ka qabashada dhibaatooyinka ka taagan Bariga dhexe iyo Suuriya, taageerayana in Maamulka Bashaar al Asad sii wado dhibaatooyinka uu ku hayo shacbiga Suuriya.
“Sucuudi Areebiya ma doonayso fursad kale, laakiinse way ka noqotay xubinnimada Golaha amaanka , ilaa Golaha amaanka wax iska bedelayaan, lana siinayo shaqada looga baahanyahay inuu qabto, una fulinayo waajibaadka saaran iyo gudashada masuuliyadda ka saaran ilaalinta amaanka iyo nabad-gelyada adduunka”ayaa lagu qoraal laga soo xigtay wasiirka oo ay baahisay Wakaalada dawlada sucuudigu.
Sucuudiga ayaa taageera kooxaha Mucaaridka ah ee ka soo horjeeda Maamulka Bashar asad ee dalka Suuriya, waxaanu Golaha amaanka ku eedeeyay in talaabo laga qaadi waayay, isla markaana xal u helida mashaqada Falastiin Goluhu ku fashilmay.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com