Oslo(GNA)Nin la sheegay in uu asal ahaan ka soo jeedo Soomaaliya balse haysta dhalashada Norway ayaa la sheegay inuu ka qayb qaatay weerarkii 21-kii September lagu qaaday xarunta ganacsiga Westgate ee magaalada Nairobi.
Ninka oo lagu magacaabo Xasan Cabdi Dhuxulow oo 23 jir ah ayaa ruux u eegi ka dhex muuqday sawirro ay qaadday kaamiro ku xidhneyd xarunta Westgate.
Xasan Dhuxulow ayaa ku xidhan Dalka Kenya oo ka mid ah dadka loo qab-qabtay weerarkaasi, inkasta oo aan ilaa hada cadeymo rasmiya loo helin inuu yahay ninka sawirkiisa la hayo iyo in kale.
Sida ay BBC sheegeen qaar ka tirsan ehelada Xasan oo ku nool Norway waxay u xaqiijiyeen inuu Soomaaliya ku noqday sanadkii 2009.
Dowladda Norway ayaa xubo ka tirsan sirdoonkeeda u soo dirtay Kenya, si ay baadhitaan ugu sameeyaan inay xubno ka mida ah muwaadiniinteedu ku lug lahaayeen weerarkaasi iyo in kale.
Bilayska waddanka Norway ayaa iyaguna su’aalo waydiiyay Waalidka wiilkan somaliga ah, waxaana la sheegay inay waalidka xasan Dhuxulow ku gacan saydheen in wiilkoodu ka qayb-qaatay falka loo haysto .
Waalidka ayaa sidoo kale dalbaday in xoriyadiisa loo soo celiyo Xasan hadiiba uu yahay ninka lagu xidhay Kenya ee Sawirka la soo bandhigay loo haysto, waxaanay intaasi ku dareen inaanay marnaba wiilkooda ka filayn inuu ka qayb-qaato weeraradan oo kale,waxa xidhiidh ah aanu la lahayn Kooxaha argagixisada ah.
Maaha markii koowaad ee somalida haysata dhalashada Norway ka qayb noqdaan Ururka Al-shabaab ee weerarka westgate sheegtay, balse Somali badan oo dalkaasi ku noolaa ayaa la sheegay inay sanadihii la soo dhaafay ku biireen Dagaalyahanada Al-shabaab.
In ka badan Lixda Ruux ayaa lagu dilay weerarka Westgate, boqolaal kalena waa lagu dhaawacay, waxaana wali socda baadhis la xidhiidha halka ay ku dambeeyeen Kooxdii fulisay iyo waliba dalalka ay ka soo kala jeedeen.