Friday, October 18, 2013

Al-shabaab oo Boodhadh waaweyn ku Muujisay Hanjabaad ka dhan ah Kenya


Baraawe(GNA)-Kooxda Al-shabaab ayaa soo bandhigay sawiro cusub oo ay ku muujinayaan dagaal ka dhan Dawladda Kenya iyo Wadamada ku jira hawl-galka AMISOM, kuwaasoo ay ku xardheen Boodhadh waaweyn oo ay ku dhejiyeen gudaha Magaalada Baraawe  oo xarun u ah.




“Haddii aadan cashar ku qaadan weerarkii Westgate, kuwo kale oo badan ayaa soo socda,” ayaa lagu qoray boorar waaweyn oo lagu dhajiyay degmada Baraawe oo 200-km dhinaca Koonfureed kaga beegan magaalada Muqdisho, halkasoo ah xarun weyn ee Al-shabaab ay ku leedahay Soomaaliya.




Alshabaab ayaa sidoo kale sheegtay in Kenya faraha kaga guban doonto dilka shacbiga Reer Kismaayo “Qof walba oo muslim ah oo lagu dilo Kismaayo, Kenya waxaa kaga bixi doona qiimo badan.”




Hanjabaada Ururka ee ku wajahan waddamada Gobolka ayaa imanaya bil ka dib weerar culus oo laga geystay Suuq-weynaha Westgate ee Magaalada Nairobi iyo qaraxyo kale oo todobaadkii hore ka dhacay Guri ku yaala Magaalada Addis-ababa.




Weerarkaasi iyo qaraxyada dhacay ayaa Kooxdu sheegatay, waxana jira cabsi soo food saartay wadamada kale ee Gobolka.




Hanjabaadaha isa soo taraya ee Ururka ayaa u muuqda kuwo saamayn ku yeelan kara amaanka dalalka iminka cabsida laga dareemayo, laakiinse awoodda Urur ahaan iminka Al-shabaab ayaan cadeyn baaxadda ay le’eegtahay.




Qaadista weeraro ka baxsan Somaliya ayaa iyaduna u muuqata xeelad kale oo saameynteeda leh, taasoo casharka ugu weyn ee laga qaatayna uu yahay weerarka westgate oo aan ilaa hada la hayn raad cad oo muujinaya inay Al-shabaab ka dambeysay, sheegashadeeda ka sekow.




Gobanimonews




Muqdisho Office




Email: editor@gobanimonews.com