Wednesday, October 16, 2013

SOM: Reysal-wasaare Saacid oo Kursiga lagu Ruxayo si looga tuuro iyo Baarlamanka oo Beeniyay ka dhan ah


Muqdisho(GNA)-Cabdi Kariin Xaaji Cabdi Xoghayaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa been abuur ku tilmaamay in wax Mooshin ah laga gudbiyay Ra’isal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon Saacid.




inkasta oo ay Maalmahanba isa soo tarayeen wararka la xidhiidha qorsheyaal la doonayo in xilka lagaga xayuubiyo Reysal-wasaare Saacid, taasoo loo soo dhexmarayo in codka Kalsoonida loo qaado xukuumaddiisa, hadana  Xoghayaha ayaa sheegay in ay warkaasi yahay mid aan sal iyo raado toona laheyn ee ay wadaana wax uu ugu yeeray war xumo tashiil.




Ra’isal Wasaare Saacid ayaa horay u beeniyay in uu damacsan yahay in uu is casilo balse uu sii shaqeyn doono mudada uga harsan shaqadiisa.




warar soo baxayay ayaa sheegayay in xil ka qaadista Reysal-wasaaruhu ay ku jirtay ama qayb ka ahayd Heshiiskii Dawlada Federaalka ah iyo Hogaamiyaha Jubaland Addis-ababa ku galeen, taasoo ahayd in isbedel xukuumaddeed la sameeyo ka hor intaan dib laysugu imaan Maamul u sameynta Goboladda Jubooyinka.




Hadal-hayntaasi hore waxa sii tahkiidisay oo dareeno hor leh abuurtay, warar sheegaya in 26 Bishan October Reysal-wasaaraha looga yeedhay Baarlamanka hortiisa, taasoo dad qaar aaminsanyihiin in yeedhmadaasi qayb ka tahay dhaqdhaqaajinta sidii Kursiga looga bedeli lahaa.




Xukuumadda Saacid Shirdoon, ayaa hada shaqaynaysay Muddo sanad ah, waxaanay inta badan xooga saartay Siyaasadda arrimaha dibada oo ay horumar fiican ka sameysay, balse dhanka Gudaha waxa muuqda Gol-daloolooyin faro badan.




Gobanimonews




Muqdisho Office




Email: editor@gobanimonews.com