Boorama-(GNA)-Xaafadaha Sh. Cali Jawhar ee Magaalada Boorama gabi ahaanba hawadu way wasakhaysan tahay waxana laga dareemayaa meelo badan UR xoogan oo ka dhalatay AY ay dadka xaafadu sumeeyeen oo raqdoodii ku ku qudhuntay meelo teel teel ah.
Dadka xaafada ayaa arintan ka hadlay waxana ay sababeeyeen go’aanka ay ku sumeeyeen EY-dan waxana ay yidhaaheen “Waxa ay EY-dani dhib wayn ku hayeen xaafadaha, waxa ay cunayeen caruuta iyo xoolaha, waxa aan ka joogsanay khaati, waxa aan u sheegnay D/Hoose way noo iman wayday, wixii ka dambeeyay shalay ayaan iska sumaynay, ilaa maantana maanaan arkin cid D/Hoose ka socota oo naga guraysa, waxana aan iska uruurinay lacag, anaga ayaana iska qaadayna, waxana aan ugu baaqaynaa D/Hoose inay nadaafada iyo fayadhawrka ogaato oo ay wax ka qabato.
Mayarka Boorama Md. Saleebaan Xasan Xadi ayaa falkan cambaareeyay kuna tilmaamay mid sharciga ka baxsan isla markaana saamayn ku yeelan kara caafimaadka “Waa talaabo qaldan oo aan dhaliilsanahay, waxa ay dad shacab ahi sumeeyeen EY, iyaga oo aanaan nala tashan, waxa ay tan sababtay in EYdii sumaysnayd ay kala firxato oo aan midba meel kaga daba tago, hadii ay EYdaasi cabaan biyaha balayada, waxa ay khalkhal galinayaan caafimaadka bulshada, waxa ay ahayd inay nala soo xidhiidhaan oo ay la xidhiidhaan waaxda Caafimaadka, waxana aan ka xunahay in talaabadaas ay dad waawayn oo ganacsato ahi qaadaan iyaga oo aanan na ogaysiin, hada waan iska aragnay oo waan ka wada hadalnay, waxana aan ka digtoonahay inay wax kale oo dambe dhacaa”
Arintan ayay xildhibaanada glaha degaanka ee Borama ku kala aragti duwanaadeen oo ay si ba’an iskugu khilaafeen, waxana hawlgalkan ay sameeyeen dadka shacabka ah ee ay ku sumeeyeen EY-da taageeray Xil. Kacab waxana uu yidhi “Waxa ay qaadeen shacabka xaafada Sh. Cali Jawhar talaabo aan ku amaanayo, waxa ay iska sumeeyeen EY-dii oo ay kadibna iska ururiyeen, waxana ay ahayd talaabadaasi mid uu ka gaabiyay Golaha degaanka ee Boorama, waxa ay dadku hore D/Hoose u soo gaarsiiyeen cabashada EY-da waxana aan soo dhawynayaa inay iyagu isku tashadaan oo ay talaabo ka qaadaan EY-daas oo dhib badan ku haysay xaafadaasi”
Xil. Axmed ayaa isaguna arintan ku tilmaamay mid aanana loo dul qaadan karin oo wax wayn u dhimaysa kala dambaynta iyo nidaamka waxana uu yidhi “Waxa aan aad uga soo horjeedaa talaabadan oo aan ku tilmaamayo mid khaldan oo aan loo dul qaadan karin, waxa aan nahay dal kala dambayn leh oo nidaam ka jiro, balse in qof shacab ahi uu sun iska soo iibsado oo uu EY sumeeyo waa talaabo aanan loo baahnayn, waxana ay ahayd in xukuumada la ogaysiiyo oo D/Hoose lagu wargaliyo si ay u gudato waajibkeeda ku aadan ilaalinta fayo dhawrka”
Wariye Mustafe Caraale
Caraale_143@hotmail.com
Borama office