Hargeysa (GNA)- “Waxaan maanta ka kicitimay dalkaygii Somaliland anigoo u sii jeeda Qaarada Yurub gaar ahaan dalka UK , Safarkaygu Wuxuu Daarran yahay laba Arrimood”sidaasi waxa Warbaahinta u sheegay Wasiirka madaxtootada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan oo Maanta socdaal ugu kicitimay dalka Ingiriiska.
Wasiir Xirsi oo Madaarka Hargeysa ka dhoofay ayaa sharaxaad ka bixiyay ujeedka socdaalkiisa “Ugu horayn Waxaan Imtixaan ka gelayaa Jaamacaddaydii York St John University oo aan ka wado Master Program ah Leading Innovation & Change” Kadibna, waxa qorshahayagu yahay in Xubnaha Guddida Dhismaha Waddada Ceerigaabo ee loo qorsheeyey qaadhaan ururinta Qurba-joogga reer Somaliland ee Waddamada Europe in ay 10thNovember isugu nimaadno Magaalada London”ayuu yidhi.
Xirsi ayaa kulanka London ku tilmaamay mid salka ku haya “si aanu u samayno (Fund Rising) ama qaadhaan ururinta ay Bulshada Reer Somaliland ee Qurbajoogga ahi kaga qayb qaadanayaan Dhismaha waddada Ceerigaabo iyo Burco oo aanu ka rajaynayno in ay qayb wax-ku ool ah ka qaadan doonaan Dhismahada Waddadaasi sidii ay horeba uga qayb qaadan jireen Dib-u-dhiska Dalka oo aynu wada Ogsoonahay Waxtarka iyo Horumarka dalka ee ay hadh iyo habeemba heegnka u yihiin.”
“Waxaan Alle ka rajaynayaa in hawhlahaas uu ii fududeeyo sidoo kalena waxaan rajo buuxda ka qabaa walaalaha qurbahu in ay gacan wax ku ool ah ka gaysan doonaan qaadhaan ururinta wadada Ceerigaabo iyo Burco,”ayuu yidhi Wasiirka Madaxtooyaddu sida uu ku soo daabacay shabakadiisa Internet-ka ee guusha.com.
Wasiirka Madaxtooyadda oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “Dalkan innaga ayaa u dad ah, innaga ayaa u dawlad ah, marka aan shilinkeena isku darsano ayaan shilimo dawlado shisheeya raadsan karnaa ama kaba maarmi karnaa.Shacabka reer Somaliland Guulaysta meel aad joogtanba.Wa Bilaahi Tawfiiq.”.
Safarkan ayaa noqonaya kii labaad ee uu Wasiirka Madaxtooyadu ku tego dalka Ingiriiska tan iyo markii xilka loo magacaabay, waxaanu hore uga tirsanaa wefti Madaxweyne Siilaanyo hogaaminayay oo muddo ka hor booqday dalkaasi.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com