Wednesday, October 23, 2013

Guddida Fulinta Xisbiga Kulmiye oo lagu Kordhiyay 42 oo 7 ka mid ah la siiyay Ururradii ku soo biiray, 3 qodob-na heshiis ka gaadhay


Hargeysa (GNA)-Xisbiga KULMIYE ayaa Caawa soo saaray Heshiis ka kooban saddex qodob oo mid ka mid ah lagu magacaabay guddida qaban-qaabada shirka xisbiga.




Hoggaanka xisbiga KULMIYE iyo Gudida fulinta ayaa shir jaraa’id oo ay caawa ku qabteen Guriga Madaxweyne Ku xigeenka waxay ku shaaciyeen qodobo ay ku heshiiyeen oo ay ugu diyaar garoobayaan shirweynahooda oo lagu wado inuu qabsoomo bisha December ee fooda innagu soo haysa.




Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi oo isagu halkaasi ka akhriyey qodobadda heshiiska xisbigiisu ka gaadhay khilaafkii maalmahan u dambeeyey ka dhex aloosnaa, waxa uu yidhi “Shirar u socday Guddiga Fulinta ee xisbiga KULMIYE maalmihii u dambeeyey si loo hagaajiyo diyaargarowga shirweynaha xisbiga ee soo socda; Guddiga Fulinta ee xisbiga KULMIYE markii ay muddo lafa gurayeen oo aan guddoomiyey, markii aan dhegaystay soo jeedintii Guddiga Fulinta iyo hal-doorka xisbiga iyo cid kasta oo ay khusaynaysay, markii guddiga fulintu qoladayada hoggaanka u soo jeedisay in la kordhiyo tirada Guddiga Qabanqaabada oo markii hore ahayd 19 xubnood, kadib markii meelo badan cabasho ka timi haddii ay beelo tahay, waxaannu isla garanay qodobadan:-




 





  • In Guddiga Qabanqaabada shirweynaha xisbiga KULMIYE lagu daro 8 xubnood oo tirada rasmiga ah ee Guddiga Qabanqaabadu noqoto 27 xubnood.




 





  • Guddiga Fulinta ee KULMIYE waxay ansixisay oo ay isku raacay in Guddiga Qabanqaabada shirweynuhu noqoto 27 xubnood, waxaanna codkii loo qaaday ogolaaday 31 xubnood, 2 kale way ka aamustay, guddoomiyuhuna ma codayn, sidaasi ayey ansax ku yihiin 27-kaasi xubnood inay noqdaan Guddiga Qabanqaabada ee shirweynaha KULMIYE.




 





  • Qodobka labaad ee la isla qaatay waxa weeye, Guddiga Fulinta ee KULMIYE waxaannu kordhinay 7 xubnood oo aannu ka soo qaadnay ururradii RAYS, DALSAN iyo UMMADDA ee KULMIYE ku biiray. Waxa kaloo la buuxiyey 5 xubnood oo ka dhinaa Guddiga Fulinta oo ahaa wax dhintay iyo wax xisbiga ka baxayba oo tiradoodu noqotay 35 hore iyo 7 lagu daray oo isku noqonaya 42 xubnood.




Waxaan aad iyo aad ugu mahadnaqayaa Guddiga Fulinta ee KULMIYE dadaalkii iyo niyad-samaantii ay isku raacday.”




 




“Qoladiina saxaafaddu in badan waxaad tidhaahdaan dhul-gariir ayaa ka imanaya KULMIYE, horta KULMIYE xisbi dhul-gariir ka imanayo maaha, qaar saxaafadda ka mid ahi maalmahanba waxay doonaan ayey qorayeen oo qaarkood ayaan warka xun iyo beenta mooyee wax kale qorin, haddaanay xisbiyada kale doodda aqoonin, haddaanay xisbiyada kale sharciga isku qabsan, haddaan dad kale qayladooda la maqal KULMIYE caado ayey u ahayd markuu shirayo in dood kululi ka dhacdo.




 




Waxa kale oo aan u sheegayaa saaxiibadayada mucaaradka oo muddo iibinayey sariirihii baanu sii diyaarinay dhaawaca KULMIYE la dhigi lahaa iyo gurmadkooda ayaanu soo galaynaa, waxaan leeyahay sidaa aannu ku bilownay ayey ku dhammaanaysaa, horena waad u taqaaneen oo weligiiba KULMIYE oo shirayaa ma gariir-waayin, haddana natiijo fiicani kamay soo bixiwaayin, markaa waxaan u sheegaynaa qaranka iyo ummadda Somaliland waxa u dan ah KULMIYE inuu go’aan wanaagsani ka soo baxo, caawana (xalay) kii la rabay ayaa ka soo baxay.”




“Sidoo kale, qolooyinka mucaaradka iyo saxaafadda ee cimri-dherer ka dhigtay KULMIYE iyo xukuumaddu way is hayaan oo Ina Biixi, Ina Kaahin iyo qolada meesha lagaga tagay, waxaan leeyahay xisbiga KULMIYE Madaxweynihiisa, Guddoomiyihii iyo taageerihiisu horta talo midaysan ayey leeyihiin, taladaa caawa (xalay) la soo saarayna KULMIYE meel kasta oo uu joogo wuu u dhamaa Madaxweynaha ka soo bilow ilaa ka ugu hoseeya mid aanan dhegaysan codkiisa iyo talo-soo-jeedintiisa muu jirin, maanaan qaadan go’aanka ilaa intaan waday, markaa waxaan idiin sheegayaa xisbiga KULMIYE iyo xukuumaddiisu waa mid, xukuumaddu waa tii codka xisbiga lagu dhisay, hawlaheedana wuu ku kormeerayaa oo wuu ilaalinayaa, barmaamujkii xisbigana way ku socotaa,” ayuu yidhi Muuse Biixi Cabdi.




Sidoo kalena waxa halkaasi ka hadlay Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland Mudane C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo sheegay in xisbiga KULMIYE yahay mid dimuqraadi ah oo ay suurto-gal ka dhex tahay dood adag iyo tanaasul labadaba. Waxaanu bogaadiyay go’aanka ay soo saareen xisbigoodu.




 Halkan ka akhri Magacyada guddida qabanqaabada shirweynaha xisbiga /