GNA_Cunista badan hilibka ayaa la ogaaday halis in uu keeno iyo cimri degdeg ah, khuburo dhanka caafimaadka oo baadhitaan ku sameeyay arrintaan ayaa sidaasi sheegtay.
Warbixin laga diyaariyay baadhitaanka khuburada ay sameeyaan oo lagu soo daabacay bogga Al-Carab.net, waxaa lagu xusay dadka in aaney ku baraarug saneyn saameyntaasi hallista badan.
Waxaa ay sheegeen Cilmi-baadhayaasha hilibka caan in uu ku yahay Kolostrolka iyo dufanka; kuwaasi oo caafimaad ahaan qofka sababtoo ah waxay raacaan dhiiga waxayna ugu dambeyn sababaan in ay shaqadooda gabaan qaar ka mid ah xubnaha jidhka.
Seynisyahanadan soo saaray daraasadan, waxaa ay tilmaameen cunista badan ee hilibka in laga dhaxli karo cuduro aad u tiro badan. Waxaa si gaar ah loo xusay hilibka la solay iyo midka dhadhanka leh (sida dhanaanka).
Hilibka badan cunistiisa ayaa waxaa uu sababi karaa qofka wadnaha in uu istaago, dhibaato dhanka maskaxda ah, kilyaha iyo dhiiga oo sare u kaca, sida ay tilmaameen dhaqaatiirtaan u kuurgashay xaaladdan .