Monday, October 21, 2013

SL:Maxamed Kaahin oo Af debecsan iyo Uur Daban kaga hadlay Khilaafka ka taagan Shirweynaha Kulmiye iyo Samaale oo Siigadiisu soo muuqato


Guriga Saylici oo Maalintii labaad Gogosha lagu Doodayaa Goglantahay iyo qaar ka mid ah Ragii Muuse lagu Garaaci jiray Kabihii Xajka la soo galay!




Hargeysa(GNA)-Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Xisbiga Kulmiye Maxamed Kaahin Axmed ayaa si kor ka xaadis ah uga hadlay Maanta, Xiisada ka taagan diyaar-garowga shirweynaha Xisbigaasi oo maalmahanba muran isa soo tarayay ka aloosnaa.




Maxamed Kaahin Axmed, ayaa ku dooday inaan wax kala qaybsanaan ahi dhex ool xisbiga, balse ay socoto doodda Guddida fulinta xisbiga oo xulaysa xubnaha qaban-qaabada shirweynaha.




Shirweynaha xisbiga Kulmiye oo muddadii loo cayimay Kaabi saarantahay, ayaa ka hor qabsoomidiisa loolan xoogani ka dhex taaganyahay xubnaha doonaya jagooyinka ugu sareeya oo dhawr siyaasi gor-gortan ugu jiraan.




Tan ayaa sababtay in lagu kala shakiyo xulida xubnaha qaban-qaabada shirka iyo dhawr qodob oo ay ka mid tahay xubno lagu darayo Guddida fulinta ee xisbiga oo ka imanaya  dhinacyo dhawaan xisbiga ku soo biiray.




Kala shakiga xubnaha xisbiga ayaa muujinaya garabyo iska soo horjeeda oo arimaha laysku hayo ku doodaya, waxaana ka mid ah garab la safan Gudddoomiyaha ku meel-gaadhka ah ee Xisbigaasi Muuse Biixi Cabdi, kana mid yahay Maxamed Kaahin iyo rag kale oo badankoodu ku jira Baarlamanka.




“Waa laba wada socda xisbiga kulmiye shirweynihiisii waxa uu noqonayaa daba yaaqada sanadkan aynu ku jirno, inta ka horaysana waxaynu ku jirnaa oo xeerarka xisbiga iyo shuruucda kale ee dalku waajibinayaan inaanu u diyaar garawno qaban qaabada shirka”sidaasi waxa Warbaahinta Maanta u sheegay Maxamed Kaahin Axmed oo shalay ka qayb-galay shir arimaha xisbiga lagaga hadlayay oo lagu kala kacay.




Maxamed Kaahin ayaa intaasi raaciyay, isagoo amaanaya sida hawshu socoto “hore waxaanu u sheegnay In aanan ka hadlayn arimaha xisbiga  sababta aanu taa u lahayn waxay ahayd anaga oo sugayna talaaboyinkii lagu diyaarinayey qaban qaabashada shirka xisbiga, talaaboyinkaasi meel fiican ayey marayaan xisbiganina waa mid balaadhan  waxaana shirarkoodii ugu horeeyey iskugu yimid guddida fulinta ee xisbiga waxaana u socda doodoodii, falan qayntoodi aanu ku diyaarinaynay guddidii qaban qaabada ee aanu u xilsaaraynay qaban qaabinta ergooyinka shir weynaha”.




“Sida aynu ka war qabno xisbi aan gudihiisa dimuqraadiyad ka jirin debadiisana kama jirayso  waxa lagama maarmaan ah in talaabooyinkaa laga wada tashado, waxa lagama maar maan ah in si qoto dheer looga wada baaraan dago waana in talooyin mug leh layska waydiiyo, kuwaas ayaana hada socda, waxaana jirta in labada maalmood ee soo socda aanu si dhakhso ah u sii dayno guddida qaban qaabada ee shirweynaha xisbiga”ayuu yidhi Maxamed Kaahin Axmed oo hadalkiisa waayeelnimo badan iyo asturaad siyaasadeed ku jirto.




Ugu dambeyna waxa uu sheegay Guddoomiye ku-xigeenka Xisbiga Kulmiye Col.Maxamed Kaahin “Xisbiga kulmiyena garabyo iska soo hor jeeda maaha laakiin xisbigani waa mid dimuqraadi ah waxaana suura gal  inuu fikrado kala duwan qabi karo, marka la shirayana waxa layska soo hor dhigi karaa afkaaro kala duwan wax dib u dhigayaana ma jirtee waxaanu sugaynaa dhamaystirka hawlaha xisbiga, waxaanu galaynaa shir weyne xisbiganina waa xisbi balaadhan haddii shirweynaha la galayana waxa loo xil saarayaa guddi madax banaan oo ergooyinka ka soo xusha dalka gudihiisa iyo debadiisaba, guddida loo saarayo hawsha intaas leeg miisaankeeda ayey leedahay in aad loo lafa guro”.




Dhinaca kale, sida ay Gobanimonews ku heshay xogo hoose maalmaha soo socda ilaa maanta kulamada xisbiga ee arimaha lagu kala gurayaa way soconayaan, waxaana xusid mudan inuu maalinta Berri ah dalka imanayo Wasiirka Maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Samaale oo ka mid ah Baarqabyada dhinaca Xukuumadda ka doob-ridaya ee doonaya inay Muuse Biixi Kursiga Guddoomiyenimada ee uu hada difaacanayo ka qaadaan.




Xubno kale oo iyaga laftoodu hawshan miisaan ku soo kordhinaya ayaa maanta ka soo xaadiray kulamada lagu baandheynayo arrimaha xisbiga Kulmiye ee daaran, kuwaasoo sida la sheegay ay ku jiraan qaar ka mid ah raga lagu tumo Guddoomiyaha xisbiga kulmiye marka ay arimuhu aad u murgaan ee laga loodin waayo halka uu istaago.




Dadka ka faallooda arrimaha siyaasaddu wali go’aan kama gaadhin inay saadaal ka bixiyaan natiijada yooyootanka xisbiga ka dhex aloosan, balse doodda socota ee aan ilaa hada meel loo dhaafin ayaa ah “Kulmiye Shirweynihiisa ka soo hadhi mayo”.




Xalka laga gaadho waxyaabaha iminka laysku hayo ayaa furre u noqon doona aragti taasi ka duwan oo bulshadu ku lafo gurto shirweynaha 2-aad ee Xisbiga Kulmiye oo kii hore kaga duwan Marxalada xisbigu joogo iyo meeqaamka siyaasaddeed ee uu maanta asxaabta ugu jiro.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com