Monday, October 21, 2013

Sool: Bambo Siyaasaddeed oo ku qaraxday Dhul-bahantaha Nugaal


Sarmaayo(GNA)-Shirar ujeedooyin kala duwan Xambaarsan ayaa ka socda deegaamada Bariga Sool.gaar ahaan Degmada Taleex iyo Deegaanka Sarmaayo oo ka tirsaan Degmadaasi.




Ilo wareedyo ka imanaya Deegaamadaasi ayaa sheegaya in  Maanta uu halkaasi ka furmay Shir ay qabsanayaan Jeex ka mid ah Maamulka Khaatumo, oo hada doonaya inay ka baxaan nidaamkaasi.




Dhinaca kale Deegaanka Sarmaayo oo aan ka fogayn Magaalada Taleex, waxa Maalmahanba shir uga socday mid ka mid ah Beelaha halkaasi degen oo ah Beesha Ugaadhyahan (Dhulbahante), waxaana shirkaasi laga soo sheegayaa in tuumo ugu xidhantahay dhinaca Garoowe ee Puntland, isla markaana lagu taageerayo nidaamka Faroole.




Goob-joogeyaal ku sugan Taleex oo u dhuun daloola Shirarkaasi, ayaa Gobanimonews u xaqiijiyay in Maanta uu Magaalada Taleex gaadhay Garaad Maxamuud Cismaan Masqare oo ka mid ah Isimadda Beesha Ugaadhyahan ee Sarmaayo ku shiraysa.




Shirka ka socda Deegaanka Sarmaayo, ayaa ah ka ugu dhaqdhaqaaqa weyn ee Gobolka laga dareemayo, waxaana xalay gaadhay  Xubno siyaasiyiin ah oo ka kala tirsan Baarlamanka Puntland iyo Golaha Xukuumadda,weftigaasoo uu hogaaminayo Wasiir ku-xigeenka Maaliyadda Puntlabd  Cabdi Ibraahim Warsame  iyo  laba xildhibaan oo la kalal yidhaahdo Saadiq Abshir iyo Kayse Cawil Cali boobe.




Dhinaca kale, Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Cabdisamad Cali Shirre ayaa ku soo jeeda Deegaankaasi,kaasoo ka qayb-gelaya shirka Sarmaayo ee Beeshiisa, waxaana wararka naga soo gaadhay Deegaanku sheegeen in maanta uu ka soo ambo-baxay Garoowe.




Shirka Taleex Maanta waxa furay Garaad Saleban oo ka soo jeeda isla Beesha Ugaadhyahan ee Sarmaayo Gogoshu u taalo, sida uu sheegay Sarkaal sare oo ku sugan Magaalada Taleex, waxaana la saadaalinayaa in Cabdi samad Cali Shire shirkaasi yimaado.




Hogaamiyihii hore ee Maamulka Khaatumo Axmed Karaash iyo siyaasiyiin kale oo miisaan leh ayaa la sheegay inay ka qayb-gelayaan shirkaasi.




Lama saadaalin karo natiijada ka soo bixi doonta shirarkaasi oo marka laysku soo uruuriyo meel uga soo wada jeeda Baabi’inta Khaatumo, balse isweydiimo laga hadal hayo Magaalada Laascaanood ayaa muujinaya inaan maamulka Somaliland wax door ah ku lahayn, isla markaana faraha kala baqayo dhaqdhaqaaqyada ka socda deegaamadaasi oo siyaasad ahaan ka mid ah dhulka ay sheegato.




Bilowgii Olole siyaasadeed oo arimaha socdaa salka ku hayaan, ayaa xukuumadda Somaliland Cabdisamad Cali Shire uga digay inuu ku soo xad-gudbo Dhulka Somaliland, balse hanjabaadaasi oo aanu dheg jalaq u siin Madaxweyne ku-xigeenku  ayaanay Somaliland wax ficil ah ka daba geyn.




Gobanimonews




Laascaanood Office




Email: editor@gobanimonews.com