Monday, October 21, 2013

Daraasad Cusub Shaac ka qaday inta ugu badan ay dumarku ka fekeraan!!


()- Daraasad Cusub ama Cilmi baadhis dhawaan la sameeyay ayaa daah furtay in dumarku ay ka fikiraan Wax iibsiga(Shopping) sikabadan sida ay uga fikiraan guurka iyo jacaylka.




Natiijadii ka soo baxday baadhitaankan ayaa lagu sheegay in Celcelis ahaan dumarku ay ka fikaraan Wax gadashada (shopping) Laba Boqol iyo Toban jeer, taas oo u dhiganta ama uu macnaheedu yahay in todobaad kasta ay ka fikiraan Todoba saacadood nooca labis-ka iyo kabaha ay xidhaan.




Xeeldheerayaasha daraasadan sameeyay waxa ay ka dhawaajiyeen in wakhtiga ay dumarku ka fikiraan soo iibsiga waxa ay ku labisanayaan ay aad uga badan tahay wakhtiga ay ku lumiyaan ka fikirka jacayladooda ama nooca uu noqon doono arooskoodu.




Afhayeen u hadlay kooxda baadhitaankan samaysay oo ka tirsan My Celebrity Fashion, oo ka jirta dalka Ingiriiska ayaa in ilaa Kun haween ah oo arrintan wax laga weydiiyay ay isku raaceen in ay ka fikiraan dukaamaysiga in ka badan sida ay uga fikiraan jacaylka iyo mustaqbalka guurka, waxana ay dhamaan haweenkaasi isku raaceen in ay ka siman yihiin dumarku arrimahan.




Si kastaba ha ahaatee daraasado kuwan lamid ah oo hore loo sameeyay ayaa iftiimiyay in raggu ay kaga wanaagsan yihiin dhinaca




Diyaariye;C/qaadir Askar




askars4@hotmail.com




Gobanimonews.com