hargeysa(GNA)-Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Maal-gashiga Somaliland Maxamed Sheikh Cumar Sheikh Xasan, ayaa Faahfaahin ka bixiyay qorsheyaal horumarineed oo ay wasaaradu ku hawlantahay inay ka hir-geliso waddanka.
Arimahaasoo la doonayo in lagu xoojiyo Waaxda Maal-gashiga ee Wasaaradaasi oo dhawaan lagu kordhiyay.
Agaasimaha oo shalay Warbaahinta kula hadlay Xafiiskiisa ayaa sheegay in yoolka wasaaraddu yahay in al abuuro fursado shaqo iyo horumarinta Nolosha dadka Reer Somaliland.
Halkan ka dhegeyso:-