Mamnuucida EPassport-ka Somalia iyo in Muqdisho iyo Hargeysa Dadka Xilalka ka hayaa Hudheel Maansoor shaaha ka wada cabaan ma is geli karaan?
Hargeysa(GNA)-Laba xildhibaan oo ka tirsan Baarlamanka Dawladda Federaalka ah ee Somaliya ayaa ku sugan Magaaladda Hargeysa ee Caasimada Somaliland, sida ay Gobanimonews ku heshay xogo rasmi ah.
Labada Xildhibaan ayaa mid ka mid ah magaciisa la yidhaahdaa Siciid Daahir Ismaaciil Bootaan,kaasoo muddo degenaa mid ka mid ah Hudheeladda waaweyn ee Magaalada Hargeysa.
Xildhibaan Siciid ayaa ka mid ah Xildhibaanada Gobolka Sanaag, gaar ahaan degmooyinka Bariga ugu jira Baarlamanka Federaalka ah, waxaanu ahaa xubno uu xulay Suldaanka Guud ee Warsan geli markii la dooranayay Gollaha Baarlamanka sanadkii hore, sida laga soo xigtay dad aqoon badan u leh.
Xildhibaanka kale ayaa isaguna u dhashay Gobolka Sool ee Somaliland, waxaana la sheegay inuu xubin firin-fircoon ka ahaa xildhibaanadii Cali Khalif lala soo xulay ee Deegaamada Sool metela.
Lama ujeedada dhabta ah ee ay Hargeysa u joogaan labadan Nin oo inta laga warhayo imaanshiyahooda aanu wax xidhiidh ahi ka dhaxayn balse isku wakhti uun ku soo beegmay, balse ilo wareedyo ku dhadhow Xildhibaan Bootaan, ayaa Gobanimonews u sheegay inuu u socdo hawl shakhsi ah oo la xidhiidha dacwad ka dhexaysa dad hawlo ganacsi ka dhexeeyeen oo khilaaf soo kala dhex galay.
Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Xukuumadda Somaliland oo la xidhiidha joogitaanka labada xildhibaan ee Baarlamanka Federaalka somaliya ka tirsan, balse dadka ku foogan arrimaha siyaasadda ayaa xukuumadda ku dhaliilaya sababta ay talaabo uga qaadi wayday, maadaama ay mansab ka hayaan dawlad aan ictiraafsanayn Madaxbanaanida Somaliland.
Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, ayaa hore u xidhay xildhibaan ka soo jeedda Somaliland oo Gabiley si dhuumasho ah ku soo galay, kaas oo aan wax cafis ah waydiisan dawladda, labada xildhibaana waxa la sheegay inay cafis la’aan ku yimaadeen, wallow aan war sugan laga haynin taasi.
Isu socodka siyaasiyiinta ee labada Maamul (Muqdisho iyo Hargeysa), ayaa ka hor intaanay xukuumadda siilaanyo talada la wareegin mamnuuc ahaa, waxaana siyaasiga Somaliland u dhashay ee xamar tagaa loo aqoonsan jiray Dambiile, balse labadii sanadood ee ugu dambeeyay arrintaasi way diciiftay, waxaana wax ka bedel lagu sameeyay xeer somaliland ku xakameyn jirtay isdhex galka siyaasadeed ee labada Gobol kala go’ay sanadkii 1991-kii, inkasta oo aan beesha caalamku aqoonsan kala madaxbanaanaantooda.
Heshiis dhawr bilood ka hor labada xukuumaddood wada galeen qodobadiisa uu ku jiray qodob arintan taabanayay ayaan noqon mid fulay, laguna dhaqmin wixii lagu heshiiyay, waxaanay taasi meesha ka saaraysa heshiiskaasoo lagu xusay in isu socodka bulshada ee labada dhinac laysu furo.
Waxa muuqata inaanay xukuumadda Somaliland, gaar ahaan Wasaaradda arrimaha guduhu aanay wax war ah ka hayn Nimankan,hadii ay ka war haysana amuusnaanta ay ka aamustay ayaa noqonaysa Khimaayo qaran.
Waxaana joogitaanka Hargeysa ee labada Mudane ku soo beegmaysaa xili Xukuumaddu dalkeeda ka mamnuucday Epassport-ka Somaliya, isla markaana dad shacab ah u xidh-xidhay arrinta Baasboorka.
Waxaana labadan arimood dhaliyeen su’aasha ah maxay Xukuumadda Siilaanyo Baasboorka u mamnuucday, iyadoo Masuuliyiin dawladda ay sharcigeeda daadifeynaysaa Hudheelada Hargeysa ku raaxaysanayaan.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com