Tuesday, October 22, 2013

Berbera: Tirrada Dadka ka Kalluumaysta Xeebta oo Aad u yar iyo sababta keentay: Dhegeyso


Berbera(GNA)-Dadka ku foogan hawlaha Kalluumaysiga ayaa aad u yar Deegaamada Xeebta Berbera ee Somaliland.




Dhalinyarada ayaa muuqda iminka inay aad uga sii jeedaan ka Xoogsiga Kheyraadka badda, inkasta oo ay jiraan dhalinyaro badan oo beryahan dambe ku taamaya inay quutal yoomkooda kala soo baxaan Biyaha badda hoostooda, hadana waxa muuqata inaanay gaadhsiinayn heerkii la rabay inay ahaadaan.




Qaar badan oo ka mid ah da’yarta reer Berbera ayaa inay tahriibaan ama shaqo la’aan suuqyada la joogaan ka door biday inay Kalluunka iyo Kheyraadka kale ee Badda ku jira ka shaqaystaan.




Sida uu Gobanimonews u sheegay Xuseen Cabdi Ducaale oo ka mid ah dhalinyarada wakhti dheer ku foognaa hawlaha Dabashada Kaluunka “dadka badda ka gala ee Kaluumaysiga ka shaqaystaa aadbay u yar yihiin”ayuu yidhi.




Waxaanu intaasi raaciyay isagoo sharaxaya sababta “sababtana waxaan u malaynayaa inay tahay dadku waa xoollo dhaqato,markaa inta badan waxba kama yaqaanaan Kaluumaysiga”.




Inkasta oo aanay dadka Kalluunka soo saaraa helin Suuqyo dibadeed oo ay u iib-geeyaan wax soosaarkooda,hadana kuwa ilaa hada badda ku jira  dedaalkoodu maaha mid ka rejo dhigaya inay mar uun dhankaasi horumar ka samayn doonaan.




Xuseen Cabdi Ducaale , ayaa  sidoo kale Sharaxay noocyada Kheyraadka Biyaha hoostooda ay kala soo baxaan ay ka mid yihiin Dhagax Baddeedka iyo Libaaxa oo ka mid ah waxyaabaha Eebe ku dhex abuuray Biyaha dhexdooda “ka sekow Kalluunka waxaanu badda kala soo baxnaa dhagax iyo Libaaxa iyo waxyaabo kale oo badan oo laga faa’idaysto”ayuu yidhi.




Baxraawi Xuseen Cabdi Ducaale, ayaa si waayeelnimo ku jirto uga jawaabay su’aal laga waydiiyay aragtidiisa ku aadan Dhalinyarada reer Somaliland ee dibadaha u tahriibaya, halkii ay ka shaqaysan lahaayeen Badda , hadiiba berriga shaqo laga waayay.




“Dhalinyarada waxaan leeyahay Baddu waxay u baahantahay dad ka shaqaysta, dadka iminka ku jira baddu aadbay u yaryihiin, boqolkiiba toban wax ka yar ayaa ka shaqaysta badda, markaa waxaan jeclaan lahaa inay dadka Tahriibayaa nagu soo biiraan, oo badda nagala shaqaystaan”ayuu yidhi.




Khadar Maxamed Xaashi




Gobanimonews




Berbera Office




Email: editor@gobanimonews.com