Hargeysa (GNA)-Isfaham dhanka ganacsiga iyo homarumarinta la xidhiidha ayaa dhex maray Somaliland iyo Dawladda Turkiga iyo Ganacsato dalkaasi u dhashay, sida ay Gobanimonews u xaqiijiyeen Ilo-wareedyo diblomaasiyadeed oo u dhuun daloola kulamo maalmihii la soo dhaafay Magaalada Stanbul ay ku yeesheen Madaxweynaha Somaliland iyo dhinacyada dawladda Turkiga.
Ilaa afar Mashruuc oo oo muhiim ah oo ka mid yihiin Qalabayn Dawladda Turkigu ku samaynayso Madaarka Diyaaradaha ee Caasimada Hargeysa si ay Diyaaradda Turkish Airline u timaado iyo hir gelinta Wershado lagu Farsameeyo Hilibka, kaluunka iyo Daimon-ka oo ay Maalqabeeno u dhashay Turkigu ka sameynayaan Somaliland ayaa ka mid ah waxyaabaha xudunta u ah qodobadda ay labada dhinac isku af-garteen, sida ay ilowareedyadu tibaaxayaan.
Dhinaca kale xubno ka mid ah Weftiga Somaliland oo kulamadii dhacay ka dib, warbaahinta la hadlay Maanta ayaa sheegay in Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo weftiga uu hoggaamiyaa maanta magaaladda Istanbuul kula kulmeen safiirka dalkaasi u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya HANI TORUN, Xidhiidhiyaha Hay'adaha Turkiga u qaabilsan Deeqa ee (TIKA) Cabdul-ahad kokdagi iyo qaar ka mid ah Ha’yadaha maal-gashiga qaabilsan, ururka maal-gashiga iyo waxsoosaarka iyo shirkadaha waaweyn ee Turkiga oo ay ka wada hadleen sidii ay u maal-gashan lahaayeen Somaliland.
Laakiinse xubnaha hadlay si cad umay muujin waxyaabaha rasmiga ah ee kulamada ka soo baxay, balse waxay iftiimiyeen in dhinacyadu isku af-garteen isdhaafiga arrimo la xidhiidha Ganacsiga iyo inay ka faa’idaystaan waayo aragnimada Ganacsiga.
“Arrimihii aanu ka wada hadalnay waxa ka mid ahaa doorka maalqabeenada Turkigu ay kaga qayb qaadan karaan kobcinta horumarka dalka Somaliland. Waxaanu ka wada hadlanay sida loo kicin lahaa warshada sibidhka oo kale iyo warshado kale oo laydhka ah,”sidaasi waxa yidhi Wasiirka Ganacsiga iyo Maal-gashiga Somaliland Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar oo hadlay.
Wasiirku wuxuu intaas ku daray in labada dhinac isku waafaqeen in dhawaan ay Somaliland socdaal ku yimaadaan xubno ka mid ah maal-qabeenada iyo sharaa’iga dalka Turkigu, isagoo arrintaas ka
hadlayayna waxa uu yidhi “Waxa kale oo aanu isku raacnay in dhawaan ay Somaliland yimaadaan koox maal-qabeenno ah oo ay dawladda Turkigu soo dirto, si ay u baadhaan kaabeyaasha dhaqaalaha ee dalku u baahan yahay isla markaana darsaan meelaha maalqabeenadoodu ay maal-gashiga ku
samayn karaanba.”
Dr. Maxamed Cabdilaahi oo hadalkiisa sii watay wuxuu intaas raaciyay “Waxa kale oo aanu ku heshiinay in aanu koox Ganacsato reer Somaliland ah aanu keeno Turkiga si ay is dhex gal iyo iskaashi ganacsi u
yeeshaan ganacsatada wadanka Turkiga.
Wasiirka Arrimaha dibada iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland Mudane Maxamed Biixi Yoonis, ayaa isaguna dhinaciisa ka hadlay qoddobadii ay la soo qaadeen Ganacsatada Turkiga ee ay la kulmeen.
“Waxaanu ku dhiirri-gelinay inay wax nala qabtaan, waxaanu u sharaxnay in Somaliland yahay wadan nabad ah oo dihin oo khayraad badan leh, waxaanu ku boorinay inay yimaadaan oo ay indhahooda ku arkaan.
”Fursadaha faraha badan ee jira waxaan filaynaa inay Ganacsatada Turkigu ay waxyaabo badan inala qaban doonaan,”ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha dibaddu.
Geesta kalena Safiirka Turkiga u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya iyo xubno ka tirsan Ganacsatadii weftigu la kulmeen ayaa qiray horumarka balaadhan ee Somaliland ka samaysay dhinacyada Nabad gelyada, la dagaalanka budhcad badeeda, argagixisadda iyo dimuqraadiyadda.
Dawladda Turkiga ayaa ka mid ah waddamada reer Yurub ee sida weyn u daneynaya Maal-gashiga Geeska Afrika, gaar ahaana Somaliland iyo Somaliya, kuwaasoo ay saameyn weyn ku lahayd dhawrkii sanadood ee ugu dambeeyay, marka laga yimaado wakhtiyo qarniyo laga joogo oo ku began Xiligii Mustacmaradah.
Mashaariic dhinaca horumarinta nolosha iyo dib u dhiska Kaabeyaasha aasaasiga ah ayay ka wadda somaliya, laakiinse dhinaca Somaliland waxa muuqata inay liishaanka ku hayso sidii ay Maal-gashi dhaqaale uga fushan lahayd, isla markaana xooga u saari lahayd ka faa’idaysiga fursado badan oo ay dayaceen Dalalka reer Galbeedka iyo Mandaqada Carabtu.
Waxaanay arimahaasi hadii ay fulaan ay dariiqa u xaadhayaan inay dalalka kale oo shisheeye ku soo dhiiradaan Maal-gashiga waddankan wali adduunka uga go’doonsan aqoonsi la’aanta.
Gobanimonews
London Office
Email: editor@gobanimonews.com