Saturday, October 5, 2013

Hargeysa: 5 qof oo Saddexdii Habeen ee u dambeeyay si gooni-gooni ah loogu dilay Magaalada iyo Nawaaxigeeda iyo Bilayska oo Afka ka xidhay


Hargeysa(GNA)-Ilaa Shan qof oo shicib ah ayaa saddexdii habeen ugu dambeeyay siyaabo kala duwan loogu dilay Magaalada Hargeysa.




Falalkan ayaa dhacay  xiliyo habeenkii ah, waxaana mid ka mid ah Dilay Askari ka tirsan Ciidanka Birmadka Bilayska Somaliland, sida ay Gobanimonews u xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan laamaha amaanku.




Laba ka mid ah dilalkaasi, ayaa ka dhacay badhtamaha Suuqa Habeenkii Jamhuhu soo gelayay, waxaana mid ka mid ah geystay Nin Xoogsade ah oo sida la sheegay Nin kale oo Ganacsade ah Mindi ku dhuftay, ka dib markii gacan ka hadal dhex maray.




Dilka kale ayaa la sheegay in koox Tuug ahi u geysteen Nin Nijaar ah, xili aroornimadii hore ee shalay ahayd badhtamaha Suuqa, halka Askariga Bilayska ahina uu Toogtay Nin Dirawal ah oo watay Gaadhi Iska rogo ah.




Dhinaca kale Koox Dhalinyaro Ciyaal Xaafad ah ayaa Habeen saddexaad Xaafadda Sheedaha ee Magaalada ku dilay Nin Dhalinyaro, kaasoo ay isku dayeen inay baadhaan qof Dumar ah oo la socotay , ka dibna isku day u isku dayay inuu iska difaaco Nabar culus ay ka gaadhsiiyeen Madaxa.




Sida ay Gobanimonews warar ku helayso Dilka Ninka dhalinyarada waxa loo qabtay afar Nin oo Dhalinyaro ah.




Geesta kale, waxa deegaanka Baliga Cas oo dhinaca Waqooyi kaga beegan Magaalada Hargeysa, habeen hore lagu dilay Nin kale oo shacab ah, kaasoo la sheegay inay Koox dablay hubaysan ahi dileen, inkasta oo sababta keentay aan la ogayn.




Dilalkan Magaalada ka dhacay oo gaadhay ilaa shan dil muddo saddex habeen oo qudha ah, ayaa muujinaya korodhka Falal amni daro oo ku soo badanaya caasimada.




Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Ciidanka Bilayska iyo Wasaaradda arrimaha gudaha  oo la xidhiidha falalkan, balse waxa muuqata gaabis dhinaca hay’adaha amniga ah iyo Kooxaha Shiddo wadeyaasha ah ee Xaafadaha dhexdooda dadka ku baadha oo soo badanaya.




Ciidanka bilayska ayaa dhawr bilood ka hor hawl-galo balaadhan oo lagu soo qab-qabanayo Dhalinayarda Xaafadaha amni darada ka wadda qaaday, waxaanay sheegeen in horumar fiican laga gaadhay sugida nabad-gelyada, isla markaana gacanta lagu dhigay dhalinyaro tiro badan oo ku foognayd Tuugada iyo falalka la xidhiidha.




Hase ahaatee labadii b ilood ee ugu dambeeyay, gaar ahaana Cusbuucan ugu dambeeyay ee la soo dhaafay waxa cad inay falalkani ku soo badanayaan Magaalada Hargeysa, loona baahanyahay inay Bilaysku qaadaan hawl-galo amniga lagu sugayo.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com