Sunday, October 6, 2013

Baraawe: Al-shabaab oo Sheegtay inay Dhirbaaxo kulul ku Dhufteen Ciidamo Ajaanibi ah oo saaka soo weeraray Xarumahooda Magaalada


Baraawe(GNA)-Ciidamo la rumaysanyahay inay Ajaanib yihiin ayaa aroornimadii hore ee saaka weeraray Magaalada Baraawe Gobolka Shabeellada Hoose, kuwaasoo aan ilaa hada si rasmiya loo aqoonsan.





Ma jirto cid sheegatay Weerarkan, balse Dad goob-joogeyaal ah ayaa laanta afka Soomaaliga ee idaacadda VOA u sheegay in ciidamada duulaanka soo qaaday ay magaalada kasoo weerareen dhinaca badda iyaga oo watey doomaha dheereeya iyo diyaaradaha qumaatiga u kaca.




Af-hayeen u hadlay Ururka Al-shabaab ayaa sheegay in weerarkaasi uu ahaa mid ay soo qaadeen ciidamo ajaanib ah oo fashilmay, waxaanu intaasi ku daray inay Askari Ingiriiska u dhashay iska caabinta dhinacooda ku dileen, afar kalena ay ku dhaawaceen.




Sarkaalka u hadlay al-shabaab ayaa intaasi ku daray in dhinacooda Hal dagaalyahan kaga dhintay weerarka, isla markaana ay Ciidamadoodu dhaawaceen askar kale oo Turkish ah.




Laakiinse  Dawladaha Turkiga iyo Ingiriiskuba waxa ay sheegeen inaanay wax lug ah ku lahayn weerarkaasi, ciidamadooduna aanay ka qayb qaadan.




Bar-tilmaameedka weerarka ayaa ahaa sida la sheegay  guri ku yaal meel u dhow xeebta Magaaladaasi, kaas oo aan si dhab ah loo ogeyn cidda ku jirtey, haseyeeshee la sheegay in ciidamadii weerarka soo qaaday ay iska caabin xooggan la kulmeen.




Wararka qaar ayaa sheegaya in Gurigaasi uu degenaa Sarkaal sare oo ka tirsan ururka Al-qaacida, balse ilaa hada ma cadda warkaasi.

Diryanka hubka ay labada dhinac isweydaarsanayeen, gaar ahaan gantaalo ay ridayeen diyaaradaha qumaatiga u kaca iyo qaar kale oo dhinaca badda kasoo dhacayey kuwaasoo  laga maqlayey Baraawe iyo deegaanada ku dhow dhow.




Magaalada Baraawe ayaa xarun u ahayd Bilihii ugu dambeeyay Xoogaga Ururka Al-shabaab ee faraciisa somaliya, waxaana halkaasi la rumaysanyahay inuu joogo hogaamiyaha Guud ee ururkaasi Axmed Cabdi Goddane (Mukhtaar Abu-maansuur).




Bishii la soo dhaafay ayaa deegaan wax yar u jira degmadaasi lagu dilay laba hogaamiye oo ajaaniibta ka garab dagaalama alshabaab ka tirsanaa, kuwaasoo uu ka mid ahaa Cumar Xamaami oo loo yaqaanay Abu Maansuur Al-ameeriki.




Dilka labada sarkaal ayaa la sheegay inuu ka dambeeyay hogaanka Guud ee Alshabaab, waxaana dilkoodu dhacay muddo yar ka dib markii Al-ameeriki uu sheegay inuu ka baxay Al-shabaab.




Dhinaca Magaaladaasi waxa  urrurka Alshabaab kaga soo goostay hogaamiyeyaal sar-sare oo uu ka mid yahay Xasan Daahir Aweys oo bishii June dawlada Somaliya isu soo dhiibay.




Bartilmaameedsiga Baraawe ee Ciidamada shisheeyaha ah ayaa u muuqda mid ku jihaysnaa goobo mucayim ah oo lagu tuhunsanyahay Hogaanka sare ee Ururka Al-shabaab.




Laakiinse ma cadda ilaa hada ujeedada ka dambeysa iyo in wax khasaare ah loo geystay kooxihii halkaasi lagu weeraray.




Sanadkii hore ayay Ciidamada Kamaandooska Maraykanku ka soo bad-baadiyeen laba ka mid ah shaqaalaha gar-gaarka oo halkaasi af-duub loogu haystay.




Gobanimonews




Muqdisho Office




Email: editor@gobanimonews.com