Wednesday, October 23, 2013

SL: SOLJA oo Abaal-marin ku bixinaysa Tartan Saxaafadeed


(GNA) Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee Solja ayaa maanta soo bandhigay tartan ay dhex dhigeen Saxaafadda Somaliland ee qoraalka ah oo ay ku tartamayaan warbixino ay soo diyaarinayaan oo ay ku mutaysan doonaan abaalminno caalami ah oo ay bixinayaan Qaramada Midoobay.




Ururka SOLJA oo maanta shir Jaraa’id ku qabtay Magaalada Hargeysa, iyaga oo  uu wehelinayey Sarkaal ka tirsan Qaramada Midoobay , ayaa waxa ay ku shegeen inay Saxaafadda Somaliland ugu bushaaraynayaan tartan ay dhex u yihiin oo ay ku mudan doonaan abaalmarin caalami ah  iyo qalab saxaafadeed.




Xoghayaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee Solja Maxamed Rashiid Sheekh Xasan oo halkaasi ka hadlay, ayaa waxa uu sheegay inay soo bandhigayaan tartan dhinaca qoraalka ah oo ay saxaafaddu ku tartami doonaan, kuwaas oo wax ka soo qoruhu ku soo qaadan  doono arrimahan .




Jenderka




Caruurta iyo Da’yarta




Baadhitaan saxaafadeed




Baahiyaha aasaasiga ah




 Waxaana abaal marintaasi heli doona suxifiga ku guulaysta inuu si sax ah oo sharciga saxaafadda waafaqsan ka soo diyaariya mid ka mid ah warbixinahan ama intaba,  waxaana abaalmarinta la siin doonaa maalinta xuquuqal aadamaha ee bisha novembar 10-keeda.




Gobanimonews-office




HARGEYSA SOMALILAND