(GNA) Madashada wada tashiga iyo toosinta qaranka, Siyaasiyiinta Ku Bohoobay Madashaa ayaa shir jaraa’id oo ay ku qabteen magaalada Hargeysa, waxa ay ku sheegeen inay ku wareejiyeen hogaaminta shirweyne qaran oo ay hore u iclaamiyeen Xisbiyada mucaaridka ah.
Siyaasiyiinta oo kala ahaa Xasan Ciise Jaamac, Maxamed Xaashi Cilmi, Xasan Guure, Xildhibaan Saleebaan Cali Koore iyo xubno dumar ah, ayaa waxa ay sheegeen inay Xisiyada mucaaridka ahi hormuud ka yihiin shirkaasi oo ay qaban qaabdiisa wadayaan.
Siyaasiyiintan, ayaa waxa kale oo ay shegeen inay khaldanayaaneen mar hore oo ay sheegeen inay xukuumaddu qayb ka noqon doonto shirkaasi qaran ee wada tashiga qaranka, balse ay hadda ogaadeen inay taasi ahayd mid aan sax ahayn oo ay gudur gudayeen sida ay shegeen.
Gobanimonews-Office
Hargeysa- Somaliland
askars4@hotmail.com