(GNA) Cunooyinka warashadaha ay diyaariyaan caagta [Plastic] ee suuqyada lagu iibiya ayaa waxaa la ogaaday in ay dhibaato u keeni karaan dumarka, daraasad laga soo saaray magaalada London ayaa sidaasi lagu sheegay.
Daraasaddaan oo lagu soo daabacay bogga TV-ga Al-Aarabiya, waxaa ay ka sheekeysay caagagta [Plastic-ga] ee raashiinka lagu keeno maadooyinka kiimikada ah laga sameeyo. Waxaa daraasadda ay sheegtay in aan loo baahneyn dumarka uurka leh in ay u dh
awaadaan oo ay cunaan raashiinka caagagtaasi lagu keeno.
Caagagta raashiinka warshadaha ay diyaariyaan lagu keeno, kiimikada laga sameeyo (caagagtaasi) waxaa ay ka halis badan yihiin kiimikooyinka laga sameeyo waxyaabaha kale ee warshada ay soo saaraan, sidaasi muujiyay Khuburada u guur galay darraasaddaan.
Suuqyada caalamka ayaa waxaa buux dhaafiyay raashiinka la gasacadeeyay, iyadoo warbixintaan ay ka digayso qaarka caagagta lagu keeno.
Diyaariye:C/qaadir Askar
askars4@hotmail.com
Gobanimonews.com
.