Thursday, October 17, 2013

Shirkadda Telesom oo Casuumtay Wefti ka socda Dawlada Deegaanka Somalida Ethiopia oo Somaliland ku sugan


Hargeysa(GNA) Sherkada Isgaadhsiinta Telesom ayaa casuumad si heer sare ah losoo agaasimay ku qaabilay waftiga wasiirada dawlad degaanka Soomaalida Itoobiya oo booqasho ku jooga Magaaladda Hargaysa.




Casuumadan sherkada weyn ee Telesom soo qaban qaabisay waxaa hormuud ka ahaa, Guddoomiyaha Sherkadaas Cabdikariin Maxamed Iid, waxayna ka qabsoontay Huteelka Ambassador, sidoo kale waxaa Casuumadaas ka soo qaybgalay Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Wacyigalinta Hidaha Iyo Dhaqanka Somaliland, Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse)  Mareeyaha Telefeeshinka Qaran-ka  Somaliland, Khadar Xasan Cali Gaas. Agaasimaha guud ee Wasaaradda arriaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah, Maxamed Xasan Siciid, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Kaluumaysiga iyo khayraadka badda Maxamed Cilmi Aasan (Ilkacase).




Gebo gebadii martiqaadkaas ayay masuuliyiinta sherkada Telesom oo ka hadlay u jeedada marti qaadkooda,  waxayna si weyn sharaxaad uga bixiyeen muhiimada labada dhinac isu leeyihiin iyo ganacsiga  dhexmari kara, sioo kale waxay masuuliyiinta sherkada Telesom ka dhawajiyeen in mustaqbalka dhaw ay xidhiidh ganacsi oo qoto dheer ka bilaabi doonaan dawlad degaanka Soomaalida Itoobiya. Geestooda waxaa iyana ka mahadnaqay soo dhaweynta iyo casuumadan qaybaha badan ka koobnayd ee sherkada Telesom ku soo dhaweysay, xubnaha Waftiga Wasiirada dawlad degaanka Soomaalida Itoobiya oo halkaas ka hadlay, iyago si weyn uga mahad celiyay guud ahaan shacabka Somaliland iyo dawladooda, waxayna tilmaameen in casuumadaha iyo soo dhaweynta loo sameeyay intii ay dalka ku sugnaayeen aanay ilaabi doonin. Sidoo kale waxay u mahad naqeen Madaxda Sherkada Telesom.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com