Burco (GNA)- Wasiiirkii hore ee wasaaradda boosaha iyo isgaadhsiinta Somaliland ee cahdigii Madaxweyne Cigaal Dr. Cabdijibaar Xaaji Maxamed Cabdi Siciid, ayaa siyaasiyiinta mucaaridka ah ku tilmaamay shakhsiyaad ay ka maqan tahay wadaniyaddu, isla markaana ay ka xunyihiin horumarka iyo guulaha isdaba jooga ah ee qaranku gaadhayo maalin kasta iyo wakhti-kasta.
Dr. Cabdijibaar Xaaji Maxamed Cabdi Siciid, sidoo kale waxa uu dhaliil xoogan u soo jeediyay qaar ka mid ah xubnaha golaha wakiillada Somaliland, gaar ahaan Xildhibaan Maxamed Faarax Qabiile, oo uu ku tilmaamay in aanu fayoobayn oo ay maskaxda wax uga dhiman yihiin.
Wasiiirkii hore ee wasaaradda boosaha iyo isgaadhsiinta Somaliland Dr. Cabdijibaar Xaaji Maxamed Cabdi Siciid, waxa uu sidaasi ku sheegay waraysi gaar ah oo aanu khadka Telefoonka kula yeelanay isaga oo jooga magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer, waxaanu hadalkiisa ku bilaabay sidan:- “Guulaha iyo waxqabadka horumarineed ee ballaadhan ee Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo uu dalka u soo hooyay ama gaadhsiiyay waa kuwo Taariikhda baal dahab ah kaga jira isla markaana ay xusi doonto taariikhdu.”
Dr. Cabdijibaar waxa uu mucaraaridka u soo jeediyay in ay wax ku darsadaan horumarka ballaadhan ee dalka ka socda, isla markaana ay dadkooda wax la qayb sadaan, waxaanu yidhi “Kuwii sheegan jiray in ay yihiin siyaasiyiin mucaaarid ah, waxaan ugu baaqayaa in ay wax ku darsadaan horumarka dalka, haddii ay caqli leeyihiinna waa in ay wax ku darsadaan dhismaha wadada Ceerigaabo, oo halbawle u ah isku xidhka dalka, waxaanan u soo jeedinayaa siyaasiyiinta mucaarid isku sheega ah in ay si degdeg ah wax ugu darsadaan dhismaha jidkaasi oo muhiimad wayn ugu fadhiya qaranka sababta oo ah waa in ay dadka kala sinaadaan shar iyo khayrba, sidoo kale waa in ay dadka kala sinaadaan khasaare iyo faa’iidaba.”
Dr. Cabdijibaar isaga oo hadalkiisa sii watay waxa uu intaa ku daray “Nuxurka wadaniga ahi haddii uu qofka ku abuuran yahayna isma qarin karayo, waxaana muuqata in nuxurka waniga ahi aanu ku abuurnayn siyaasiyiinta mucaarid isku sheega ah. Awoowgay xaaji Maxamed Siciid, ayaa 53-kii oo uu haystay xero caydha Hargeysa, ayaa waxa uu odhan jiray qofka xun ee uu cilaaddiisa saari waayo wakhtiga ayaa rabayn doona . maanra halka ay taagan yihiin kuwii mucaaridka sheegan jiray waa halkaaas, waaana Dameer dabada dab lagag dhajiyay . waxaan leeyhay nin kasta oo xun oo dalkiisa caasi ku noqda wakhtiga ayaa rabayn doona.”
Dr. Cabdijibaar Maxamed Cabdi Siciid waxa kale oo uu dhaliil xoogan u soo jeediyay Xildhibaan Maxamed Faarax Qabiile, oo uu ku tilmaamay in aanu fayoobayn oo ay maskaxda wax uga dhiman yihiin, waxaanu yidhi “Aniga oo ah Dr. Cabdijibaar waxaan cadayayaa in rag badan oo ka tirsan golaha wakiilladu aanay maskax ahaan fayoobayn, sida Maxamed Faaraax Qabile, waxaanan ku talinayaa doorasho dambe oo timaada in ninka isu soo sharaxaya golaha wakiillada ka hor inta aanu tartanka ka qayb gelin in la baadho oo la soo mariyo dhakhtarka waalida, si loo ogaado in uu miyir qabo iyo in kale.”
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com