Thursday, October 17, 2013

14October: Diirrada Maalinta Gacmo Maydhka Adduunka


 "UNICEF waxaa ay diiradda saareysaa kor-u-qaadista wacyiga dadka ee ku aaddan xiriirka ka dhexeeya gacmo-dhaqashada iyo ka-hortagga Cudurka Dabeysha ee Soomaaliya gudaheeda"




   Muqdisho/Garoowe/Hargeysa – Gacmaha oo si joogto ah loogu dhaqdo saabuun iyo biyo waa mid ka mid ah hababka ugu fudud, ugu kharash yar uguna waxtar badan ee looga hortegi karo cudurrada laguna badbaadin karo nolosha dadka.




   Farriintani ayaa udub-dhexaad u ah ololaha ay horseedka u yihiin UNICEF iyo la-hawlgalayaasheeda, waana midda ay gaarsiiyaan malaayiin Soomaali ah, gaar ahaan carruurta, munaasabadda Maalinta Gacmo-dhaqashada Adduunka ee ku aaddan 15ka Oktoobar daraaddeed.




   “Maalinta Gacmo-dhaqashada Adduunka waxaa ay hoosta ka xarriiqeysaa muhiimadda ay leedahay in biyo iyo saabuun si joogto ah loogu gacmo-dhaqdo taas oo ah tan ugu waxtarka badan ugu kharash yar waxqabadyada caafimaadka,” ayaa ay tiri Foroogh Foyouzat, oo ah Ku-xigeenka Wakiilka UNICEF Somalia. “In carruurta laga qaybgeliyo dhiirrigelinta gacmo-dhaqashada waxaa ay gacan ka siineysaa in ay xoojiyaan hab-dhaqanno wannaagsan oo aasaasi u ah la dagaallanka cudurrada iyo caafimaad-qabka,” ayaa ay hadalkeeda raacisey.




   Waxqabadyada waxaa si gaar ah diiradda loogu saari doonaa kor-u-qaadidda wacyiga ku aaddan xiriirka ka dhexeeya gacmo-dhaqashada iyo ka-hortagga cudurka Dabeysha.




   Hal-ku-dhegga caalamiga ah ee maalinta gacmo-dhaqashadu waa “Awooddu gacmahaaga ayaa ay kuugu jirtaa". Soomaaliya dhexdeeda, hal-ku-dhegga xaaladda la waafajiyey ee la qaatey waa “Awooddii cudurka Dabeysha looga saari lahaa Soomaaliya waxaa ay ku jirtaa gacmaheenna".




   Soomaaliya waxaa xaaladdii ugu horreysey ee cudurka Dabeysha laga soo sheegey bishii Maajo ka dib markii shan sanadood aan lagu arag cudurka Dabeysha. Ilaa hadda in ka badan 170 xaaladood ayaa la diiwaangeliyey. Habka keliya ee la hubo in carruurka looga badbaadin karo fayruska cudurka Dabeyshu waa tallaalka. Haseyeeshee, waxtarka tallaalka waxaa saameyn ku yeeshey shuban ka dhashey hab-dhaqannada fayadhowrka iyo nadaafadda ee liita.




   Tirada dadka tas-hiilaadka fayadhowrka haysta Soomaaliya gudaheeda weli aad bey u hooseysaa, waxaana biyo la cabbo oo nadiif ah heli kara keliya 29 boqolkiiba dadweynaha. Cudurka daacuunka ayaa ku soo noqnoqda dalka waxaana uu sanad kasta dilaa boqollaal carruur ah.




   Sida ay muujinayaan natiijooyinkii Sahankii Dhinacyada Kala Duwan ee Tilmaamaha-Badnaa/the MultiIndicator Cluster Survey (MICS) ee sanadkii 2011, Somaliland ilaa 41 boqolkiiba reeraha ma haystaan wax saabuun ah, reeraha ugu saboolsanna tiradaani kor ayaa ay u kacaysaa oo waxa ay noqoneysaa 66 boqolkiiba. Xaaladduna sidan kama duwana Puntland, gaar ahaan degaannada miyiga ah.




   Ilaa 560,000 carruur ah, oo ay ka mid yihiin kuwa bulshooyinka gudaha ku barokacay iyo ilaa 179 iskuul, ayaa ka-qaybgalaya waxqabadyada ay UNICEF taageerto oo ay ka mid yihiin qaybinta saabuun, jiirgaanno iyo biyo-nadiifiyeyaal.




   UNICEF waxaa ay taageereysaa waxqabadyo looga danleeyahay in gacmo-dhaqashada lagaga dhigo caado lagu dhaqmo oo socota ka dib maalintaa dabaal-degyadu wixii ka dambeeya, iyo in hab-dhaqankan nolosha lagu badbaadiyo looga mid dhigo waxyaabaha maalin kasta ay sameeyaan bulshooyinka Soomaaliyeed – gaar ahaan carruurta oo ah kuwa ugu nugul cudurrada.




   Waxaa jirta caddeyn muujineysa in ilaa kala-bar dhammaan xaaladaha shubanka iyo rubuc ka mid ah caabuqyada ba’an ee neef-mareenka ee ku dhaca carruurta shan-sano-jirka ka yar looga hortegi karo in gacmaha saabuun la isaga dhaqo waqtiyo muhiim ah. Arrintan ayaa ah mid muhiimad gaar ah u leh Soomaaliya oo ku dhowaad mid ka mid ah shantii carruur ahiba uu ka hor inta aanu gaarin shan sano jir u dhinta cudurro ay ka mid yihiin shuban iyo oof-wareen.




   UNICEF, oo kaashaneysa maamullada Soomaalida, ururrada bulshada iyo ganacsiga gaarka loo leeyahay ee la hawlgala, ayaa farriintaa gaarsiineysa iskuullada, xarumaha bulshada iyo cusbitaallada, fagaarayaasha dadweynuhu ku kulmaan iyo guryaha ay qoysasku deggan yihiin iyada oo adeegsaneysa idaacado iyo telefiishanno ku yaalla dhammaan gobollada si loo hubiyo in hab-dhaqankani noqdo mid carruurta iyo qoysaskoodu ay qaataan oo ay kuna dhaqmaan.




Macluumaad dheeri ah, fadlan kala soo xiriir




Bismarck Swangin, Communication Specialist, UNICEF Somalia




Email: bswangin@unicef.org, Tel: +254 7222 06883




Source:WWW.NGONEWS,SO