Madaxweynaha Fifa Sepp Blatter ayaa farta ku fiiqay qofka ka badalaya xilka Hay’adda Maamusha Kubada Cagta Aduunka, waxana uu ku sheegay in qofkasi uu yahay Jeffrey Webb.
Webb ayaa hada ah Madaxweyne Ku-xigeenka a Fifa sidoo kalana waxa uu hogaamiye u yahay xidhiidhka Waqooyiga, Bartamaha iyo Caribbean (Concacaf).
Hadalka Sepp Blatter ee ah in uu badali doono Jeffrey Webb ayaa muujineysa sida uu isaga ilaalinayo in Madaxweynaha Uefa Michel Platini uu noqdo qofka isaga xilkaasi ka badali doona.
Blatter oo 77 jir ah ayaa soo hogaamiyay hay’adda fadhigeedu yahay Zurich tan iyo 1998.
Webb ayaa ah 49 jir waxana uu ka soo jeedaa Cayman Isles, isagoo xilka Concacaf loo doortay bishii May 2012