Cristiano Ronaldo ayaa ugu baaqay taageerayaasha iyo saxaafada inaysan cadaadis saarin Gareth Bale madaama uu la qabsanayo nolosha Real Madrid ka dib markii uu waqtigiisa kooxda ku bilowday dhaawac.
24 jirkaan ayaa dhibaato dhaawac ay soo wajahday tan iyo markii uu Real Madrid ku biiray, laakiin Ronaldo ayaa kalsooni ku qaba inuu si wacan u la qabsan doono Santiago Bernabeu haddii la siiyo waqti iyo xaalad uu dib ugu helo qaab ciyaareedkiisa.
“Gareth shaqso fiican ayuu qabanayay tan iyo markii uu yimid. Ma aanu ciyaarin xagaagii sidaasi darteed waxa ay ka dhigtay in waxyaabaha qaar ay ku adkaadaan” ayuu xiddiga reer Portugal ku sheegay shir jaraa’id.
“Ma aha inaan cadaadis saarno, waa inaan u ogolaano inuu horumar ku sameeyo halkaan. Waxa uu mar walba doonayaa inuu wax barto waa nin fantastik ah.
“Ma qabo in laga hadlo qiimihiisa inay isaga caawineyso, waa inaan faraha ka qaadnaa isaga marka ay arintaas timaado. Waxyaabo waa weyn ayuu kooxda u qaban doonaa.”