Wednesday, October 23, 2013

FA Ingiriiska oo dacwad ku soo oogtay Tababare Jose Mourinho.


Tababaraha kooxda Chelsea Jose Mourinho ayaa FA Ingiriisku ku eedeeysay dhaqan fool xun oo uu soo bandhigay ciyaartii Cardiff ay ka guuleysteen Sabtidii.




Mourinho ayaa garsoore Anthony Taylor waxa ku amray in uu ka baxo garoonk isagoo ka cabanayay waqtiga ciyaarta.




"Ma ogi waxa uu garsooruhu iiga joojiyay shaqadeyda oo ay sameynayay". Macalin reer Portuguese ayaa sidaasi sheegay ka hor inta aanan eedeeyntiisa FA soo saarin.




50 jirkan ayaa laga doonayaa in uu ka jawaabo eedeeymahan loo soo jeediyay 24 bishan October sida ay FA sheegeen.




Mourinho ayaa 20 daqiiqo ee u danbeysay ciyaarta fariistay booska taageerayaasha halkaasi oo uu ku dhameystay daqiiqadihii ka dhimanaa ciyaartii Chelsea ay ka guuleystay Cardiff.




Macalin Jose ayaa sheegay in taageerayaasha lala fadhiisto inay tahay wax xun oo aan fiicneyn sida uu dahalka u dhigay, laakiin waxa uu ka gaabsaday in uu ka hadlo goolkii Hazart ee Eto’o kubada uu ka boobay gool-hayaha Cardiff.




Maha markii ugu horeysay ee Mourinho laga saaro garoonka isaga oo koox Macalin u ah laakiin markii ugu danbeysay waxa ay aheyd bishii May markarkaasi oo isaga oo macalin u ah Real Madri garoonka laga saaray.