Wakiil ku dhow Real Madrid ayaa xaqiijiyay in Juventus ay xiiseyneysay Gonzalo Higuain laakiin uu qaali ku ahaa.
Xiddiga reer Argentina ayaa lala xidhiidhinayay Bianconeri xagaagii, laakiin ugu danbeyn waxa uu ku biiray Napoli oo bixisay 37.5 milyan euro.
“Juventus dhab ayay ka aheyd xiisaha Higuain” ayuu yiri Ernesto Bronzertti oo ah wakiil Real Madrid u qaabilsan kooxaha Talyaaniga oo u waramayay Tuttosport.
“Waxaan xusuustaa ka dib ciyaartii u dhaxeysay xiddigihii hore ee labada kooxood, inaan wada fariisanay oo aan shaaxnay.
“Agaasimaha Juve Beppe Marotta iyo madaxweyne Andrea Agnelli ayaa u sheegay madaxweynaha Real Florentino Perez in 35 milyan euro oo ay ka bixiyaan Higauin inay aad qaali u tahay.
“Waxa uu ugu jawaabay isagoo u sheegay in qof uun uu lacagtaas bixin doono ka hor inta aanu suuqa kala iibsiga xidhmin, madaama aaney jirin weeraryahano badan oo isaga oo kale ah, taas ayaana dhacday.
“Juventus waa ay diiday inay bixiso wax ka badan 22, 23 milyan euro, laakiin Florentino si wacan ayuu uga warqabay xaalada suuqa waana uu fahamsanaa qiimaha Higuain.
“Si kastaba wa auu ka xumaa sababtoo ah waxa uu jeclaan lahaa inuu siiyo Juventus, waa nin gacaltooyo laakiin lacag ayaa meesha soo gashay.”
Juventus ayaa caawa la ciyaari doonta Madrid koobka Champions League