Monday, October 21, 2013

Ramsey oo sheegay in Horyaalkan uu yahay kii Arsenal


Aaron Ramsey ayaa sheegay in Arsenal ay ku howlantahay dhisida qorshihii ay ku qaadihi laheyd horyaalkii ugu horeeyay oo Premier League tan iyo 2004.




Gunners ayaa hada ku fadhida meesha ugu sareysa horyaalka iyad aoo guuleysatay Lix kulan oo ka mid ah Sideedii ciyaarood oo ay ciyaareen waxana u danbeysay guushii 4-1 ay ku macasalaameysay Sabtidii kooxda Norwich.




Ramsey oo dhaliyay goolkiisii 5aad ee horyaalka xilli ciyaareedkan ayaa qirsan in hogaaminta horyaalka ay muujineyso in Gunners ay waxbadan iska badleen.




"Wadada kaliya ee aan hogaanka ku sii heyn karo waxa ay tahay in aan sii joogteyno guulaha aan wadno sida aan horay u soo sameynaba" Ramsey ayaa sidaasi sheegay.




Xidigan Reer Wels ayaa rumeysan in Arsenal ay u dagaalgali karto ku guuleysiga Premier League xilli ciyaareedkan, isaga oo niyad wanaagsan ka muujiyay qorshaha Macalin Wenger