(GNA) Cilmi-baadhis ay sameeyeen Jaamacadaha Freiburg oo ku taal dalka Jarmalka iyo Columbia oo ku taal dalka Kanada, ayaa bedka soo dhigtay in siyaasiyiinta amma madaxda ku dhaygagta (Eye Contact) shacabkay u khudbadanayaan ay ku guul darraystan in ay barnaamijyadooda siyaasadeed ka dhaadhiciyaan dadka hor taagan.
Madaxda xirfadan isticmaasha ee qof qof u eega dadky u khudbadanayaan waxay shacabka kala kulmaan in hadaladooda laga biyo-diido sida daraasadan iftiimisay.
Khubarada cilmi-baadhistan soo saartay waxay sheegeen in siyaasiyiinta isticmaala
hadalada kibirku ku jiro ay shacabku aad u neceb yihiin, isla markaana taageero ku wayaan.
“Cilmi-baadhistan waxay bedka soo dhigtay in si toos ah oo qofka ku hor taagan loo eega ay hoos u dhigto taageero uu kuu muujin lahaa qofkaas amma hadalkaaga uu u qushuuci lahaa, waxaannus oo jeedinayna in fikirkii hore u ahaa in qofka oo si toos ah loo eego markaad la hadlayso ay quluubtiisa kasbataa inuu beenoobay” ayey qorayaasha cilmi-baadhistan ku daabaceen jariirada Psychological Science oo internetka si toos ah loogu baahiyo.
Cilmi-badhayaasha marki u horraysay waxay tijaabo ka qaadeen 20 arday oo ay daawadsiiyeen hadalo dad isugu jira siyaasiyiin iyo khubaro kale, kadib markii uu dhammaaday daawashada fiidyawga waxa soo baxday in dadkii si toos ah u eegaayey indhaha dadka khudbadaynaayey ay aad u dhaleeceeyeen hadaladii loo jeediyey, marka loo eego dhiggooda aan iyagu eegin indhaha dadka muqaalka ay ka daawadeen ee hadalka jeedinaayey.
Tijaabadii labaad waxa laga qaaday 42 arday oo mid kasta la daawadsiiyey afar muuqaal oo ku saabsan dad hadalo kulkulul, waxaana kala badh ardayda ka mid ah laga codsaday inay eegaan indhaha dadka ku jira muqaalada ay daawadeen, halka inta kalena lagu wargeliyey inay afka dadka hadlaya si toos ah indhahooda ugu eegaan, waxaanay soo baxday in dadkii indhaha qofka hadlaayey eegay ay muran badan ka keeneen hadaladii muqaalada ka maqleen, halka kuwa kalena ay inta badan taageereen.
Maxsuulka ka soo baxay cilmi-baadhistan wuxuu noqday in haddii indhaha qofka hadlaya iyo indhaha qofkay khudbada u jeedinaya in badan isku dhacaan amma ay is eegaan ay dhib iyo muran keento.
Diyaariye;C/qaadir Askar
askars4@hotmail.com
Gobanimonews.com