Monday, October 21, 2013

Ferdinand & Hodgson oo ku biiray guddiga Xidhiidhka FA-da Ingiriiska


Kabtankii hore ee xulka England Rio Ferdinand iyo Macalin Roy Hodgson ayaa loo magacaabay xubno ka tirsan gudiga xidhiidhka kubada Cagta ee FA si loo samata bixiyo xulka qaranka Sadaxda Libaax.




Magacaabida Rio Ferdinand iyo Hodgson ayaa imaaneysa maalin ka dib markii haweyneyda kali ah ee ku jirta FA Heather Rabbatts ay dhaleeceysay xubno ka tirsan gudigga FA.




Hodgson 66 jir ah ayaa England hogaamin doona koobka Aduunka 2014 lagu qaban doono dalka Brazil.




Ferdinand oo 34 jir ah ayaa bishii May ka fadhiistay ciyaaraha caalamiga ah kaddib markii uu saftay kulankiisii 81aad bishii June 2011.




Difaacan dhexe ee hada u ciyaara kooxda Manchester United ayaa ku guuleystay 6 horyaal oo Premier League, waana qofkii ugu horeeyay oo madow ah oo kamid noqda gudiga 10 xubnood ah.