Gaalkacayo(GNA)-Roobabka xilliga dayrta oo ka curtay meelo ka mid ah gobolka Mudug iyo magaalada Galkacayo ayaa saamayna adag ku reebay dadka danyarta ah ee ku jira Kaamamka Gaalkacayo.
Xaaladdo nololeed oo is biirsaday, ayaa laga sheegayaa,dadkaasi, ka dib markii habeenadii ina dhaafay roobab xoog leh oo ka da’ay Galkacayo waxyeelo u geysteen dadka Baragkacayaasha ah ee Galkacayo jooga,
Xuseen Jaamac guray oo ka mid ah maamulka Baragkacayasha ayaa Ideecadda daljir uga waramay dhibaatooyinka soo gaadhay.
“Marxalada jirta waa daran tahay guryihii bacaha iyo cooshada ka samaynaa waa bur bureen qeybtood, daryeel la’aan dhinaca caafimaadka ah iyana waa jirta.” Ayuu yiri Xuseen Jaamc
Meelaha ugu daran ee xaaladu dhibaatadu ka jirto waxa ka mid ah Kaamka mustaqbal 1 ee gudaha Galkacayo ku yaala, isla markaasna ay degan yihiin in ka badan 2000 qoys oo dad ka soo cararay deegaankoodii ah,, waxaanu Xuseen jaamac sheegay in gargaar loo baahan yahay.
“Hay’adaha gargaarka, dowladda hoose, dowladda Puntland iyo bulshada intaba waxaan ka dalbanaynaa in ay dadka u gurmadaan.” Ayuu yiri Xuseen Jaamac.
Roobabka ayaa waxyeelo iyo baro kac ka geystay deegaamo kale oo ka mid ah Goboladda Puntland, gaar ahaan Deegaamo hoos yimaada Gobolka Sanaag, halkaasoo boqolaal qoys baro kac ka soo gaaray Roob ka da’ay.
Degmooyinka Xiin-galool iyo Hadaftimo, ayaa ka mid ah meelaha ugu daran ee dhibaatooyinka laga sheegayo, kuwaasoo saddex maalmood ka hor raxmaad xoogani ka da’ay.
Ma jiro ilaa hada wax gar-gaar ah oo loo fidiyay dadka waxyeeladu ka soo gaadhay roobabka.
Gobanimonews
Gaalkacayo Office