Thursday, October 24, 2013

Garoowe: Faroole oo Furay Mashruuc $25 Milyan oo Dollar ku Baxayso


Garoowe(GNA)-Mashruuc ballaadhan oo ku aaddan horumarinta deegaanka ayaa maanta lagu daah furay magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland.




Munaasibada furintaanka mashruucan oo ka dhacday hoolka shirarka ee Jaamacadda PSU, waxaa ka qayb galay mas'uulyiin ka tirsan Puntland oo uu ka mid yahay Madaxweyne Dawlad goboleedka Puntland Cabdiraxmaan Sheikh Maxamuud Faroole iyo saraakiil ka socdey Midowga Yurub.




Mashruucan oo ay ku baxayso Lacag gaadhaysa $25 Milyan oo Dollar oo Midowga yurub ku deeqay, ayaa la doonayaa in Mashaariic dhanka horumarinta Deegaanka ah lagaga fuliyo deegaamada Puntland, si looga hortago Xaalufka dhulka oo sababi kara dhibaatooyin nololeed.




Madaxweyne Faroole oo kulanka lagu furay mashruucan ka hadlay ayaa bulshada ugu baaqay Bulshada Reer Puntland in laga faa’idaysto.




“Deegaanka Eebe wuxuu inoo siiyey in aynu ka faa'iideysano, haddii aynu ka faa'iideysan weyno Ilaah ayaan ka abaal dhacnay inaguna dayac ayeynu u dhamaaneynaa" ayuu yiri Faroole.
dhanka kale Saraakiil ka tirsan Hay’addo Caalami ah oo Mashruucan la soo mariyay, ayaa sharaxay Hanaanka Mashruucan loogu talo-galay iyo muhiimadda uu leeyahay.




Puntland ayaa ka mid ah meelaha ay Bulshada noloshoodu ku xidhantahay xoolaha nooli ku badan yihiin, isla markaana dhibaatooyin Dhuxulaysigu ka mid yahay lagu hayo deegaanka.




Waxyaabaha ugu badan ee loo baahanyahay in Mashruucan lagu waajaho wax aka mid ah in wacyi gelin balaadhan bulshada la siiyo, isla markaana dadka foogan Dhuxulaysiga iyo Garaacista dhirta shaqo abuuris  loo sameeyo.




Waxaanay taasi  furre u noqonaysaa in dadweynaha la fahansiiyo qiimaha deegaanku u leeyahay mustaqbalka nolosha dhulka ay degenyihiin iyo aayatiinka laga dheefayo hadii la dhaqaaleeyo, oo laga daayo curyaaminta lagu hayo.




Gobanimonews




Garoowe Office




Email: editor@gobanimonews.com