Boorama-(GNA) Wafti balaadhan oo uu hogaaminaayey Suldaan Maxamed Suldaan Xasan Bare ayaa saaka siweyn loogu soo dhaweeyey Gobolada Galbeedka Somaliland ee Gabiley iyo Awdal . Waftigan Suldaanka oo saaka arooryadii hore ka jarmaaday Caasimada Somaliland ee Hargeysa ayaa waxa uu ku aadana booqasho kooban oo Suldaanka iyo waftigiisu ku marayeen magaalo madaxyada Gobolada Gabiley iyo Awdal ,kaasoo Suldaanka oo dhawaan la caleema-saaray ay ku beegnayd afartan baxii xafladii caleema-saarkiisa kadib markii uu dhawaan Suldaanka aabihii uu daad ku qaaday Dooxa Dacar-budhuq Suldaankan Waftiga hogaaminaayey ee Suldaan Maxamed Suldaan Xasan Barre ayaa waxa dhalay Suldaan qiime weyn ku leh guud ahaan Ummadda reer Somaliland taas oo geeridii naxdinta lahayd ee uu ku baxay dhamaan wada taabatay bulshada reer Somaliland yar iyo wayn-ba
Waftigan Suldaan Maxamed Suldaan Bare hogaaminaayey ayaa waxa ku weheliyey Suldaanka Salaadiin waaweyn oo ay ka mid ahaayeen Suldaan Siciid Xaaji Yuusuf Ducaale ,Suldaan Axmed-Daahir Cilmi, Cheaf Caaqil Cabdi Faarax Yuusuf, Gaashaanle sare Aabi Awqoobay, Kabtan Garaad Cali, Maqade Ibrahim Yuusuf Xaaji Guuleed, Oday C/raxiin Saxardiid Kaahin, Madaxa Xafiiska Aqoonsiyada ee
Dawlada Hoose ee Hargeysa Mr. Xasan Maxamed C/laahi, Agaasimaha Nabad galyada iyo Badbaadada CaasimadaAmbasador C/qaadir Cumar Xaashi,
Safarkan saaka ayaa waxa ugu horeyntii waftigu ku marey magaalo madaxda gobolka Gabiley ee Gabiley taas oo siweyn loogu soo dhaweeyey waftiga Suldaanka Iyadoo ay duleedka magaalada Gabiley kaga horyimaadeen Gudoomiyaha Gobolka Gabiley Mr.Yuusuf Ibrahim Geele Yamaarug ,Maayarka Magaalada Gabiley Shacayb Maxamed Muuse, Xoghayaha Dawlada hoose ee Degmada Gabiley C/raxmaan Nuur Abakor , Xildhibaan Mahdi Maxamed Xaashi iyo Salaadiin iyo Cuqaal iyo Dadweyne tiro badan oo reer gabiley ah .
Waftigan ayaa waxa markii danbe loosii galbiyey dhanka iyo gudaha magaalada iyadoo uu maayarka Magaalada Gabiley uu waftiga ugu xog waramay xafiiskiisa iyadoo gabagabadiina waftiga Suldaanku bokhasho Tacsiya ku tageen Guriga Cheaf Caaqil Cabdi Ciidle Amaan oo ahaa Cheaf Caaqilka Guud ee Degmada Gabiley oo dhawaan ku geeriyooday magaalada Gabiley Dhinaca kale Waftigii Suldaanka ayaa hore kasii watay Safarkoodii iyadoo ay usii dhaafeen dhanka iyo magaalada Boorame iyadoo ilaa xuduudka Gobolka Gabiley ay Sii Galbiyeen
Madaxda iyo Masuuliyiinta Gobolku ilaa ay Waftiga kale wareegayeen Masuuliyiinta Gobolka Awdal oo waftiga iyana kusii sugaayey xadka uu la leeyahay gobolka Gabiley ,iyadoo markii danbe ay masuuliyiinta labada gobol si wada jira ugu wada galbilyeen dhanka magaalada Boorame oo ay maalintii maanta ku casuumnaayeen
Waxa maanta magaalada Boorama si wayn loogu soodhaweeyay waftigan balaadhan ee uu hogaaminayo SuldaanMaxamed Suldaan Xasan Suldaan Bare Shire, waxana soo dhawayntan kaalinbalaadhan ka qaatay salaadiinta gobolka Awdal iyo maamulka degmada Boorama.
Wafdigan oo looga hor tagay degaanka Tuli oo dhawr iyo toban km u jiramagaalada Boorama ayaa waxa lagu soo dhaweeyay baabuur aad u tiro badaniyo caleemo qoyan, waxana gabi ahaanba ka muuqday soo dhawayntay jacaylbalaadhan iyo niyad furnaan dhinaca dhaqanka ah oo dareen farxadeed kuabuuray wafdiga salaadiinta dhaqanka ah ee Boorama yimid.
Wafdigan oo hadhimo sharafeed balaadhan loogu sameeyay gudaha Booramaayaa waxa halkaasi ka hadalay Maayarka Boorama Mudane Saleebaan XasanXadi waxana uu degmada Boorama ku soo dhaweeyay wafdigan salaadiinta ah,waxana uu tilmaamay in ay farxad u tahay soo dhawaynta wafdigansalaadiinta ah,Maayar Saleebaan oo si gaar ah ula hadlayay SuldaanMaxamed Suldaan Xasan Suldaan Bare Shire ayaa yidhi “Waxa aandareensanahay in xilka suldaanimo ee laguu caleemo saaray uu yahay midbalaadhan, waxa uu kaaga baahan yahay samir iyo dhabar adayg, waxana aanEebe kaaga rajaynayaa inuu kugu asturo, sidoo kale waxa aan bahda kaleee dhaqanka ka codsanayaa inay ku garabsiiyaan suldaanka sidii uuwaajibkiisa u gudan lahaa”
Suldaan Cabdiraxmaan Jaamac Dhawal oo hadalka qaatay ayaa waxa uu utacsiyeeyay sulaanka cusub waxana uu yidhi “Tacsi kadib waxa noo farxadah inaad Boorama ku qaadato 40 bixinta suldaanimadaada cusub, waxa aankuu sheegayaa in Aabo AHUN iyo salaadiinta kugu xeeran aanu ahayn xidhmodhinac u wada jeeda oo isku xidhan, waxana aan kugu soo dhawaynayaabahda dhaqanka ee Somaliland”
Suldaan Saleebaan Cali Ismaaciil oo isaguna ka hadlay madasha ayaaSuldaan Maxamed Suldaan Xasan Suldaan Bare Shire si gaar ah uladardaarmay waxana uu yidhi “Xilku waa mid culus ee waxa iga dardaaran ahin aad noqoto mid beesha ku caleemo saartay si cadaalad ah ugu adeega oougu xaqsoora, ha noqon suldaan si gaar ah cid ula xidha, hadii aadcadaalad samayso waa hubaal in uu Eebe xilka kuu fududaynayo anagunawaan kugu garab taaganahay”Suldaan Ibraahin Cabdi Riiraash ayaa isaguna halkaasi ka duceeyay waxanauu tilmaamay in xil balaadhan uu saaran yahay salaadiinta Somalilandwaxana uu yidhi “
Gabi ahaan salaadiinta Somaliland waxa saaran xilbalaadhan, xilkaas Eebe ha nagu wada asturo isla markaana aan kashaqayno sidii bulshada loo walaalayn lahaa, masuuliyadaasi waa midmaanta ku saaran Suldaan Maxamedoow, waxana aan filayaa inaad ka soobixi doonto waajibkaasi balaadhan”Suldaan Maxamed Cabdi oo isaguna hadalka ka daba qaatay ayaa yidhi “Soodhawaada Soo Dhawaada oo Awdal ku soo dhawaada, waxa aan kuu rajaynayaainaad kaalintii Aabahaa oo ahaa Suldaan ay Somaliland u siman tahaybuuxiso, waxana aan leeyahay hadii aanay salaadiinta kale ee dalku lashaqaynin waxba ma qaban karo ee ha la badhi taageero oo ha lalashaqeeyo suldaanka cusub”Suldaan Muuse Cilmi Dugsiiye oo hadalka salaadiinta gobolka Awdal soogabagabeeyay ayaa yidhi “
Salaadiintu waa lafdhabarta bulshada Somalilandee maanta, waxa lagama maarmaan ah in laga boxo is tooyashadasalaadiinta dhexdeeda ah oo la sameeyo xidhiidh joogto ah oo aysalaadiintu yeeshaan, si taas loo gaadhana waxa loo baahan yahay in goledhexe oo salaadiinta dhaqanka kulmiya la sameeyo, kaasi oo aan qabo inuumidnimada salaadiinta u wanaagsan yahay, hadii ay salaadiintu midawdanaay taasi u taagan tahay midnimo Somaliland oo dhan dadkeeda taabanaysa.
Suldaan Axmed Daahir Muuse, Suldaan Siciid Xaaji Yuusuf Ducaale oo kamid ahaa wafdiga salaadiinta ah ee uu hogaaminayay Suldaan MaxamedSuldaan Xasan ayaa waxa ay xuseen in ay aad ugu faraxsan yihiin inaybooqashadan ku yimaadaan Boorama, waxana ay ka marag kaceen in Booramaay tahay meel ay bulshada ku nooli wadaagto xadaarad qoto dheer iyoaqoon guun, taasina ay tahay mid dalka Somaliland sharaf u ah, Awdalnaay tahay hooyadii cagaha u joojisay Somaliland.
Maqalle Ibraahim Yuusuf Dhoolayare ayaa isaga oo kaftamaya waxa uu yidhi“Horta anigu caaqil ma ihi ee title-kaygu waxa weeyaan Maqalle, waxanaaan u dhexeeyaa salaadiinta iyo siyaasiyiinta oo labadaba iyaga oo Iogol aan u kala dab qaadaa….. Waxa aan ku faraxsanahay soo dhawayntan ooaniga si gaar ah iigu ahayd markii iigu horaysay ee aan imaado Boorama,waxana ii dheeraa dalxiis gaar ah, waxa aan leeyahay waad na sharafteenreer Awdaloow ee idina Eebe ha idin sharfo, waxana aan rumaysnahay inbooqashadani ay wax wayn ka tarayso is dhexgalka bulshada iyo is fahankasalaadiinta oo maanta ah udub dhaxaadka bulshadeena, salaadiinta iyobulshada reer Awdal waxa aan leeyahay Somaliland idinka ayaa cidhif uxiga ee u hub qaata sidii aad u dakayn lahaydeen, anaguna hadaan nahaysalaadiinta reer Hargaysa waxa aan idiin balan qaadaynaa wada shaqaynxoogan oo na dhex marta oo lagu adkaynayo jiritaanka Somaliland”Suldaan Maxamed Suldaan Xasan Suldaan Bare Shire oo hadalka soogabagabeeyay ayaa ka mahadnaqay soo dhawaynta loo sameeyay waxana uucarabaabay in dadka reer Awdal ay isaga yihiin dad ay wax badanwadaagaan waxana uu yidhi “
Awdal waa dalkaygii dadkeedana dhiig iyodhaqanba waan wadaagnaa, waana run sifaha wanaagsan ee lagu sheegayo,waa astaan ay la wadaagaan dadka reer Somaliland, farxadna u ah bulshadaiyo helitaanka midnio umada reer Somaliland dhex marta, Eebe ha iifududeeyo xilka balaadhan ee la I saaray, waxana an ku dadaali doonaasugida cadaalada iyo sidii aan uga shaqayn lahaa isku haynta beelahaSomaliland aniga oo u siman, waxana aan salaadiinta gobolka Awdal kasugayaa sida ay imikaba balan qaadeen inay iila shaqeeyay si aan umadaSomaliland ee aan hormuudka u nahay ugu hagno bashbash, badhaadhe, isjacayl iyo is dhexgal balaadhan oo dhinac walba taabanaya.Suldaan Maxamed Suldaan Xasan Suldaan Bare Shire ayaa dhawaan loocaleema saaray xilkan suldaanimo kadib markii uu AHUN Aabihiigeeriyooday, waxana ay booqshadiisani ku suntan tahay bilawga ambaqaadkatubta dhaqanka ee uu ka arimin doono kuna soo biiray, iyada oo ayBooramana si gaar ah u noqotay magaaladii ugu horaysay ee uu booqashadaku tag
Wariye Mustafe Caraale
Caraale_143@hotmail.com
Borama office