Thursday, October 17, 2013

Nairobi:Hab Al-shabaab Hubka ugu Dhoofiso Kenya oo la Ogaaday iyo Tuhunada Weerarkii Westgate oo Madaxa la Galay Marxalado culus


“Dhismaha Westgate waxa lagu weeraray Basaasiin Somaliland Macluumaad xaasaasiya ka diyaariyay”Xog




Nairobi(GNA)-Hubka ayaa looga soo diray Dalka Somaliya, dhinaca  Kenya,iyadoo la soo marinayo habka Xawilaadaha lacagta lacagta ah ee ay Somalid berigii hore wax isugu diri jirtay, taasoo ay ku shaqaystaan shabakado isku xidhan oo ka shaqeysta Goboladda Somaliya iyo gudaha Kenya.




“Hub badan oo aan muuqan ayaa lagu soo gudbiyay habka Xawilada lacagta” sidaasi waxa yidhi Xuseen Aadan oo ka mid ah Dilaalinta ka shaqaysta waxa loo yaqaano “hawala” oo ah habka lacagta loogu diro Kenya kaasoo degen Degmada Garissa ee Waqooyi Galbeed  Kenya.




“Xawaala waa hab  wax sharci ah la siinayn marka qofka lacag diraha ahi bixiyo Lacagta loo dirayo qofka kale, laakiinse Dilaalka lacagta dirayaa uu wacayo Nin kale oo jooga meesha loo dirayo oo uu odhanayo lacagtaa bixi, dabadeed dilaalka kale ee lacag loo diruhu u tegayaa bixinayo lacagtaa loo sheegay,inta uu ka goosto boqolkiiba laba Komisharkiisa ah.




tan ayaa ah habka Hubka loogu soo diro Kenya” ayuu yidhi Xuseen oo arintan sharaxaad dheeraad ah ka bixiyay.




“Lacaga la soo Xawilaa waxay toos ugu dhacdaa ama gashaa Jeebadda Alshabaab, waxaana loo baahanyahay in si dhakhso ah loo weeraro (Joojiyo), dilaaliinta lacagaha soo xawila, waxaanan u baahanay inaanu taa u isticmaalno dadka ka soo horjeeda Argagixisada si aanu uga takhalusno Shabakadan Ganacsi ee Xawala”ayuu yidhi Yusuf Maxamed oo ah Sarkaal sare oo ka tirsan Ciidanka Bilayska Kenya.




Ciise Khaliif oo ka mid ah Xawaaladleyda Islii ee Magaalada Nairobi, ayaa sheegay inay jiraan shabakaddo badan  hubka ka soo Xawila Somaliya “waxa jira Dilaalin badan badan oo Xawilada lacagta Hub ugu soo gudbiya Kenya, isagoo aan Hub ahayn, laakiinse la mid ah oo lacag ah.




waxaanu haysanaa Ganacsiga Xawilaada Somaliya oo isku xidha Bariga Afrika ilaa Geeska Afrika”ayuu u sheegay Ciise Wakaaladda IPS.




Furnaanta ama Ilaalin la’aanta Xuduudka u dhexeeya Kenya iyo Goboladda Koonfurta Somaliya ee ay mitidiinta Alshabaab awooda badan ku leeyihiin, ayaa ka mid ah waddooyinka dariiqyada hubka lagu soo geliyo Kena” ayuu sheegay Nin Magaciisa lagu soo gaabiyay Axmed oo IPS u waramay.




Khalif  ayaa isaguna sheegay in Al-Shabaab iyo dadka gacan saarka la leh ay u isticmaali jireen habkan iibsashada hubka gudaha Kenya iyo wadamada kale ee Bariga Afrika, waxa kale oo uu sharaxay in waxyaabaha lagu iibiyo lacagtaasi ay ka mid yihiin Baastoolado iyo agab kale.




Francis Mugatha oo ah sarkaal sare oo ka tirsan Laanta Socdaalka Kenya ayaa Wakaaladaha wararka u sheegay in Xawilaada lacagta Sharci darada ah ee aan Qaansheegta ama macluumaadka laysugu gudbanayo aan lahayn hore looga shakisanaa inay isticmaalaan Shabakadaha Argagixisada ahi.




ayna ahayd hab ganacsi hub fududeynayay in Hubka lagaga iibsado Magaalada Nairobi, gaar ahaan Xaafadda Islii ee isku raranta ah.




warbixintan ayaa soo baxaysa xili muddo todobaadyo ah laga joogo markii la wareeray Dhismaha westgate ee Magaalada Nairobi, kaasoo dagaanyahano Ururka Al-shabaab sheegtay gudaha u galeen, dad badana ku laayeen.




tan iyo dhicistii weerarkaasi waxa jira tuhuno badan, hadal heyn joogto ah iyo u fiir-fiirsi ku wajahan meelaha loo aaanaynayo in Al-shabaabka Nairobi soo galay uu la helay Tansiilaadka u fududeeyay fulinta weerarkaasi.




waxaana jira dareemo kale oo intaasi ka fog oo ku saabsan sababta loo bar-tilmaameedsaday Dhismaha Westgate oo ka mid ah meelaha ay inta badan degaan dadka ka shaqeeya fulinta danaha reer Galbeedka Diblo-maasiyiinta ajaanibka ah ee Afrika ka hawl-galaa.




“waxa jira warar sheegaya weerarkaasi in lagu laayay Saraakiil ka tirsan Sirdoonka Reer Galbeedka oo mudo toban sanadood ku dhow macluumaad xaasaasiya si qarsoodi ah uga uruursanayay Dalka Somaliya , khaasatan Goboladda Somaliland oo Dhismahaasi degenaa”sidaasi waxa Gobanimonews u sheegay diblo-maasi sare oo ka cudur daartay in magaciisa la shaaciyo.




“Mukhaabaraadkaasi waxa la sheegayaa inay dhinteen wixii ay macluumaad hayeena waxna lumeen waxna laga qaatay, waxyaabaha ay inta badan ka diyaariyeena waxa ka mid ah goobaha Istaraatiijiga ah, iyadoo taana looga danleeyahay fulinta qorsheyaal dalalka arimaha somaliya faraha kula jiraa ka leeyihiin Somaliland”ayuu hadalkiisa raaciyay Diblo-maasigu.




ilo-wareedyada arintan sheegaya ayaa warkooda ku sii tahkiidinaya in joogitaanka Dr. Cali Khaliif Galaydh ee Dhismaha la weeraray qayb ka ahaa arimaha la xidhiidha daraasadan oo dadka dabada ka riixayay ama kuwa ku  lug lahaaba uu ka mid ahaa.




Gobanimonews




London Office