Hargeysa(GNA)-sida lagu sheegay Qoraal Caawa ka soo baxay Madaxtooyada Somaliland Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamud (Siilaanyo), waxa uu Hambalyo u diray SNM xuska maalinta Shuhadada SNM oo ku began 17 October.
Maalintan ayaa ahayd maalintii ugu horeysay ee ay Dagaal Foolka fool ah SNM la gashay Xogagii Milateriga Soomaaliya ee Gobollada waqooyi, waxaanu dagaalkaasi ka dhacay deegaanka Burco-duuray.
Qoraalka Madaxweynuhu soo saaray oo maalintan u aqoonsaday maalinta Mujaahidka, hadaanay saraakiisha Hadal qoraalka Madaxtooyadu qaldin, ayaa sidan u dhignaa:
“ Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu hambalyo iyo bogaadin u dirayaa dhamaan mujaahidiintii SNM munaasibada 17-Octoer 2013 awgeed oo ah maalinta loo asteeyey xuska mujaahidka SNM “Maalinta Shuhaddadii SNM ee dhintay”.
Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland waxa uu bogaadintaasi maalinta mujaahidka uu ku xusay in maalmihii adkaa ee soo wajahay halgamayaashii SNM oo ay kumanaan qof ku dhinteen, kumanaan kalena ay ku naafoobeen ay natiijadeedii noqotay in ay dhabawday ujeedadii halgankaasi loo soo mara, maantana ay shacabka reer Somaliland ku naaloonayaan midhihii halgankaasi oo ay yihiin qaran xor ah oo u taagan difaacooda, sharaftooda iyo jiritaanka qarankeena.
Waxa uu madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, uu illaahay uga baryayaa mujaahidiintii ku naf waayay halgankii, in illaahay naxariistii jano ka waraabiyo intii ku naafawday iyo agoontii ay ka tageen mujaahidiintii qarankan u naf waayey in uu illaahay nolosha u sakhiro.
Xukuumada Somaliland-na ay diyaar u tahay intii awoodi noqoto in mujaahidiintaasi nool iyo agoomihii ay mujaahidiintu ka tageen ay gacan siiso.