Thursday, October 17, 2013

Faddexaad:Reysel Wasaaraha Somaliya oo Safarkii ugu horeeyay ee uu Yurub ku tegay ku Tahriibiyay Wiil uu Adeer u yahay


Oslo(GNA)-Xog la helay ayaa xaqiijineysa inuu Abdiqadir Maxamed “Nuune” oo ka mid ahaa howlwadeenada xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Somaliya Saacid Farax Garaad oo ka mid ahaa wefti Reysal-wasaaruhu hogaaminayay oo ka qayb-galay shirkii dhawaan Geneva ka dhacay ee arrrimaha Xuquuqal Aadamaha halkaasi ku dhuuntay, ka dibna uga soo baxsaday dalka Norway.
 




Abdiqadir Maxamed Nuune ayaa waxa la sheegaya inuu u sii gudbay magaalada Oslo Norwey oo uu iska dhiibay, waxaana arintan lagu tilmaamay ceebtii ugu weyneyd ee soo wajahda socdaalka Ra’iisul wasaare Saacid Farax Garaad oo ahaa kii ugu horeeyay ee uu Yurub ku tago.




” Waa markii ugu horeysay ee Ra’iisul Wasaare Saacid oo socdaal Yurub ku gaaro. Waxaaa markiiba uu bilaabay inuu wiil uu adeer u yahay oo ka shaqeynayey xafiiska xaaskiisa Caasha Xaaji Cilmi uu iska dhiibo Norwey. Waxaana wali jirta magacyo kale oo la tuhunsan yahay inay sidasi oo kale safarkaasi isku dhiibeen” sidaasi waxa laga soo xigtay siyaasiyiin aad ugu dhaw Ra’iisul Wasaare Saacid oo ayaan-daro ku tilmaamay.




Nuune ayaa la sheegay inuu toos ula shaqeynayey sanadkii ugu danbeeyey Caasho Xaaji Cilmi oo ah Xaaska Reysal-wasaaraha, waxaanay qaar ka mid ah Warbaahintu sheegeen in safarkaasi loogu soo daray Xaaska Reysal-wasaaraha oo aan la’aantii shaqayn Karin.




” Ra’iisul wasaaraha ayaa wiilkaasi adeerka uu u yahay ku waday inaysan xaaskiisa uga maarmin la socoshada socdaalka ay ku maraan Geneva iyo Turkiga laakiin waxaa dhabtu aheyd inuu wiilkaasi uga faa’ideyo iska dhiibista Yurub” ayuu yiri mid ka mid ah howlwadeenada xafiiska Saacid oo aan magaciisa la soo xigan.




Abdi Nuune waa 27 sano jir waxa uu ku dhashay degmada Marka, maadaama ay hooyadiis ay tahay dadka dega magaaladaasi. Waxaase adeer ugu began Saacid Farax Garaad.




Magaalada Muqdisho ayaa waxaa si weyn looga hadal hayaa sheekada howlwadeenkan ka tirsan Xafiiska Saacid ee iska dhiibay Yurub kaasi oo ka hor shaqadaasi ahaa mid ka mid ah shaqaalaha Hotelka SAFARI ee magaalada Muqdisho.




” Wiilkan Hotelka SAFARI ayuu shaqaale ka ahaa. Mar kaliya ayaa waxaa la arkay isagoo lagu daray liiska howlwadeenada ugu muhiimsan ee xafiiska Ra’iisul Wasaare Saacid oo adeerk ugu aadan. ” ayuu yiri Farax Nuur Shiikh oo saaxiib aad ugu dhaw ahaa wiilka hadda Norwey iska dhiibay.




Ma ahan markii ugu horeysay ee mas’uul darajadaasi haya uu qaarka mid ah howlwadeenadiisa iyo kuwa lacag laga soo qaatay u tahriibiyo safarada Yurub iyo Ameerica ay madaxdaasi ku yimaadeen Safarka, Waxaase ay midan noqoneysaa tii ugu danbeysay oo uu waliba Ra’iisul Wasaare Saacid Yurub ku yimid.




Xafiiska Caasho Xaaji Cilmi iyo Ra’iisul Wasaare Saacid Faarax, ayaa labadoodaba ka gaabsaday inay sharaxaan iska dhiibista wiilkan xafiiskooda ka shaqeynayey ee ay waalidka u yihiin.




arintan ayaa caqabad ku noqon karta Socdaalka Madax Dawladda Somaliya, siiba Wasiirrada oo aad loogu fiirsan karo ama si ka duwan sidii hore loo baadhi doono marka ay dibadaha u dhoofayaan, si looga hortago inay dad noocan ah qaabkan oo kale ugu dhoofiyaan dibaddaha.




Gobanimonews




London Office




Email: editor@gobanimonews.com