Thursday, October 24, 2013

Muqdisho: Ujeedada Kulan Madaarka ku dhex maray Taliyaha Guud ee Ciidamada Talyaaniga iyo Madaxda Gaashaan-dhiga Somaliya


Muqdisho(GNA)-Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane C/Xakiim Maxamuud Xaaji Faqi oo ay weheliyeen Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Muuse Cabdulle Maxamuud,Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Gen.Daahir Aden Cilmi Indha-qarshe,Abaanduulaha CXDS Gen.C/Risaaq Khaliif Cilmi iyo Saraakiil ka tirsan Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa maanta Garoonka Diyaaradaha Aaden Cadde kula kulmay Wefdi ka socday Dowlada Talyaaniga oo uu hogaaminayay Taliyaha Guud ee Ciidamada Difaaca Talyaaniga Admiral Luigi Binelli Mantelli kaasoo maanta booqasho rasmi ah ku yimid Magaalada Muqdisho.




Kulankan ayaa la sheegay in lagu sii ambo qaadayay  Heshiis 17-kii September Magaalada Rome lagu kala saxeexday oo ay wada galeen Wasiirrada Gaashaandhigga Dowladaha Soomaaliya iyo Talyaaniga, kaasoo ujeedadiisu ku qotontay in dawladda Talyaanigu door weyn ka qaadato dib u dhiska iyo tayaynta Ciidanka Xooga dalka somaliya.




Admiral Mantelli waxa socdaalkiisa ku wehelinayay Saraakiil iyo Ciidamo ka tirsan Dowladda Talyaaniga, iyadoo Kulanka ay la qaateen Masuuliyiinta Wasaaradda Difaaca Soomaaliya iyo Taliska Ciidamada Xoogga dalka ay goobjoog ka ahaayeen Safiirka Soomaaliya u fadhiya Talyaaniga Gen.Muuse Xasan iyo Danjiraha Talyaaniga u jooga Soomaaliya Ambassador Andrea Messella.




Kulankan oo ahaa mid saacado badan qaatay islamarkaana ay albaabadu xidhnaayeen ayaa lagu lafa guray mudadii uu socday doorka uu Talyaanigu ka qaadan karo tayeenta iyo qalabeynta Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya gaar ahaan kuwa Milateriga, sida laga soo xigtay Saraakiishii ka qayb-galay.




Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya C/xakiim Faqi oo Khudbad ka jeediyay kulanka ayaa ka hadlay horummaradii ugu dambeeyay oo ay Dowladda Soomaaliya ka gaartay dhinac amniga iyo caqabadihii ka horyimid waxaana sidoo kale uu wasiirku codsaday in lasii dardar geliyo dedaallada ay Dowladaha Soomaaliya iyo Talyaaniga isaga kaashanayaan soo celin Amniga iyo Xasilinta Soomaaliya.




Wasiirka ayaa intaasi ku daray in Alshabab ay Qatar ku yihiin amniga guud ee Gobolka loona baahnayhay in si wadajir ah looga qeybqaato dabargoynta Kooxdaasi xagjirka ah eek u xiran Alqaacidda.




Sidoo kale Sareeye Guuto Daahir Aden Cilmi Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo isna kulanka ka hadlay ayaa tilmaamay in Ciidamada milateriga u baahanyihiin in laga caawiyo dhinacyada qalabeynta iyo Tababbarrada si ay usii dardargeliyaan Dedaalladdooda ku wajahan la dagaalanka argagixisada.




Taliyayaha ayaa farta ku fiiqay in Soomaaliya ay haatan leedaha labo cadow oo kala ah Alshabab iyo Burcadbadeedda kuwaasoo Qatar ku ah jiritaanka iyo xasilloonida Dalka iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed.




 




Taliyaha Guud ee Ciidamada Difaaca Talyaaniga Admiral Luigi Binelli Mantelli oo isna ka hadlay kulanka ayaa tibaaxay in Dowladda talyaaniga ay ka go’antahay kordhinta taakuleynta iyo tababaridda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya.




 gaar ahaan Milateriga iyo Booliska waxaanu intaasi raaciya inuu indhihiisa ku arkay isbedel muuqda oo ay dowlada Soomaaliya ka gaartay xagga nabadgelyada waddanka,  Ciidamadduna  magaalooyin farabadan ka saareen maleeshiyaadka Alshabab.




Gobanimonews




Muqdisho Office




Email: editor@gobanimonews.com