Guul darro:
Jiifto duraysa Siyaasiga maanta
Waxa Curiyey Abwaan Cali Dhanaaniye
Maansadan la magac baxday guul darro waxa igu kelifay inaan curiyo oo aan maankayga ka tuujiyo markaan eegay aayo xumada iyo rajo la’aanta siyaasiga.
Waxana aan si qoto dheer ugu lafa gurayaa caqli xumadda siyaasiga iyo sida markasta uu ugu guuldarraysto wixii loo diray .
Waxa aan dhinac kale ku muujinayaa sida uu siyaasiga lagu tabco ee naf iyo maalba loo huraa u jebiyo shacabkii mudada dheer u heelanaa.
Abwaan Hadraawi oo tix uu leeyahay baa waxa kamida ahaa ereyadeeda
Dadkani ma deeraa?
Ma Daanyeer Dhashiibaa?
Teer iyo ilaa dura
Dushaa laga raraayee
Sow kama duqoobaan?!!!!!!!!!
Waxaan leeyahay dadka reer soomaliland miyaynaan kaba weynaaney oo aynaan kaba caqliyaysanayn siyaasiga aynu daba dhilifka u nahay ee dantii yaqaanka ah, ee aan habeena ka fekerin danteena iyo aayaheena ee aynu waagii baryaba u sacabinayno hadhowna aan diba inoo soo eegin.
Waxaan hadalkayga ku soo xidhaya , dadkaygoow ogaada Nin dantiisa gaarka ku hawlani ma buuxin karo dan qaran, siyaasi la hayste ah oo aan aragtidiisu xor ahayna umadda dooratay ee uu u taliyaa waa tii kubka iyo bawdada ka jabtay.
Qaranimo gablooshiyo
Umaddnimo gadoontiyo
Gobanimo carowdaan
Baadi goobayaayoon
Badi daba gucleeyaa
Maruun gaadh isleeyahay!!!
Waagii guduutaba
Gaban baan carbinayaa
Gaadhsii isleeyahay
Faciisii ka goostoo
Isaguna go’aygiyo
Geerida wadkaygiyo
Inaan galo xabaashuu
Guntiga u adkaystaa!!!
Guuldaraystay oo jabay
Geedigaan u yeelaa
Gaadaha habeenimo
Iyo guure socodkii
Gudcurkiyo hashleyntii
Gaajiyo xanuuniyo
Guul daraan ka sacabsaday!!!
Inaan horumar gaadhiyo
Inaan galo aduunkoo
Magacayga guunkaa
Dayaxaa la geeyaan
Laabtayda geliyee
Ma’ anaa gudoonsaday
Murugadan I garab timi
Hoheey eeday gacantay!!!!
Muxuu gabaygu iii tari
Gocondhada siyaasiga
Anaa garabkan siiyoo
Galaylyan ku sooroo
Galabsaday ba’aygee
Waa goorma goortaan
Gocashada ka baxayaa?
Waa goorma goortaan
Guran doono hoobaan
Gacalkaygu ii sido?!!!!
Gabankaan mashxaradiyo
Gole laysu soo baxay
Gudoonsiiyey madaxnimo
Xaqii wuu ka guuroo
Dulmi buu gondaha iyo
Gosha manta gashadoo
Muu garan sidaan rabay
Gurmadkaan u fidiyiyo
Muu garawsan daalkii
Geyigiina naafee
Godobaanu xoogsaday
Shacabkiina golon goli
Dhammaad.
Abwaan Cali Mohamed Ibraahin ( Cali Dhanaaniye)
E-mail:- dhanaaniye@hotmail.com
dhanaaniye1@gmail.com
Burao Somaliland 2013