Burco(GNA)-Waxa Xalay Magaaalada Burco ku Geeriyooday Alle How Naxaristee Kornayl Marxuum Cilmi Ibraahin Xuseen oo ahaa Sarkaalkii ugu sareeyay Ciidanka Booliska Gobolka Togdheer.
Marxuumka ayaa Geeriyooday xalay ka dib markii uu Wadnuhu istaagay isagoo jooga Gurigiisa oo u dhaw Qaybta Bilayska ee Magaalada Burco, sida uu Gobanimonews u xaqiijiyay Taliyaha Qaybta Bilayska Gobolka Togdheer Axmed Ilka Case.
Ma jiro war faahfaahsan oo ku saabsan sababta ku keentay Iistaaga Wadnaha ee uu u dhintay, balse saraakiisha bilaysku waxay xaqiijiyeen inaanu wax xanuun ah oo hore qabin, inta la ogyahay, ama aanu u jiifin.
Taliyaha qaybta Bilayska Gobolka Axmed Ilka case oo la hadlay Gobanimonews ayaa Tacsi u diray Ehelada Marxuumka iyo dhamaan qaranka Somaliland ee uu ka baxay,waxaanu ilaahay uga baryay inuu Naxariistii Janada ka waraabiyo.
Sarkaalka geeriyooday, ayaa muddo dheer ku soo jiray hawsha Ciidanka Bilayska ilaa xiligii Dawladdi somaliya, waxaanu sanadkan qaatay Derejada Konerayl oo uu ugu sareeyay Ciidanka Bilayska ee Gobolka.
Gobanimonews
Burco Office
Email: editor@gobanimonews.com