Wednesday, October 23, 2013

Maayir Ku Xigeenka Hargeysa Oo Faah Faahin Ka Bixiyey Qoysad Madaxtooyada Jaar la ahaa oo Maanta la Raray


(GNA) Gudoomiye Ku Xigeenka  Golaha Deegaanka C/casiis Maxmed Xaashi (C/casiis cagaweyne), ayaa manta ka hadlay dad danyar ah oo ay ka rareen duleedka Madaxtooyada Somaliland oo dhinaca galbeed ka deganaa.




Maayirka  ku xigeenka, ayaa sheegay inay dadkaasi u rareen dhinaca waqooyi ee magaalada hargeysa, isla markaana ay siiyen dhul ay degaan oo ay leeyihiin, kuwaas oo ahaa qosas gaadhaya ilaa labaatan in ka badan.




 




C/casiis Cagaweyne oo saxaafadda la hadlay, ayaa waxa uu sheegay inay halkaasi ugu talo galeen in madaxtooyada ;agu ballaadhiyo oo lagu daro, isla markaana ay ka mid tahay ballan qaadyadii ay galeen ee ahaa inay caasimadda qurxin doonaan oo ay ka dhex rari doonaan dadka dhex degen meelaha dawladda.Qaar ka mid ah Xildhibaanada oo iyaguna ka hadlay halkaasi, ayaa iyaguna sheegay inay dadkaasi dejiyeen meel munaasib ah oo ay ugu talo galeen oo ay iyagu iska leeyihiin, waxaanay sidoo kale sheegeen inay magaalada gudeheeda ka rari doonaan dhamaan dadka degen meelaha dawladda ee danyarta ah oo ay u rari doonaan dhinacyada magaalada.




 




Dadkan danyarta ah ee laga rarayo gudaha magaalada, ayaan ahayn kuwii ugu horeeyey iyada oo ay jireen dad hore looga raray gudaha xaafadda shaabka ee ay dawladdu u badantahay oo la geeyey dhinacyada magaalada, waxaanay sheegeen maamulak Dawladda hoose inay wadaan guryo badan oo loo dhisayo dadkaasi oo lagu wareejin doono.




C/qaadir Ismaaciil Askar




askars4@hotmail.com




Gobanimonews